”Waa ciyaal balse wuxuu ciirsi u yahay hooyadii oo cudur halis ah qabta” – Sheeko akhrin mudan

0

(Muqdisho) 15 Jan 2021 – Arin cajiiba ah oo Muqdisho ka dhacday. In uu xariif yahay aniga ayuu i weydiistay in aan sii qaadno asaga oo weydisan karay darawalka Pajajta

Wadada aad ayay cariiri u ahayd cabaar ayaanna taagneen xiliyadaas oo kale aniga xitaa hurda ayaa igu dhax qabata, garabkayga ayuu soo barkadey.

Ma rabin in aan kiciyo laakiin waxaan rabey in aan ogaado in xanuun uu hayo ama daal iyo hurdo ay hayso.

Wuxuu ii sheegay in uu meel fog ka soo lugeeyay uuna daalan yahay. waxaan u fasaxay mar kale in uu garabkayga iska barkado uuna iska nasto. Waxaan kaloon u sheegay in aan soo kicin doono marka la gaaro halka uu rabo.

balse meel uu u socdaba ma jirto oo waa caseeyle/baalishle nadiifiya kabaha mana lahan xarun fariisi u gooni ah.

inta aan ku jirnay Jaamka waxaa soo wacdey hoyadiis, Caadiyan saacad walba waa ay soo wacdaa si ay axwaashiisa ula socoto sidoo kalana maadaama uu caruur iska yahay waxaa ay soo xasuusisaa in hooyo xanuunsan ay sugayso si uu u dadaalo, markaas waxaa ay weydisay lacag ay caano ku gadato.

Hooyadiis waxay cabtaa caano kaliya oo hadii ay wax kale cunto waa ay matagaysaa waxayna ku nooshahay kaliya caanahaas.

Waxa ay u maleeynayeen in uu hayo Dhajis laakiin waxaa loo sheegay in dhiigeeda uu u baahan yahay in la sifeeyo mana awoodo qarashka dhiiga lagu sifeeynaayo. Aadan iyo hooyadiis oo kale waan ag marnaa maalin walba mana xog wareeysano.

Aan caawino kuwa u baahan Naxariista, meelkasta waa kula joogaane.

Qore: Maxamed Xasan Ashraf

Hadalsame Media