INGIRIISKA: Bartilmaameedsi ka dhan ah tiknolojiyadda daroonnada Turkiga oo bilaabatay

0

(Brighton) 15 Jan 2021 – Kooxo sheegay inay u doodaan xuquuqul insaanka oo ka jira UK ayaa ku baaqay in sharikaadka dalkaasi ay joojiyaan agabka ay ka iibiyaan dalka Turkiga ee ay ka kooban yihiin daroonnada dalkaasi.

Warkan ayaa daba socda kaddib markii ay sharikadda Andair ay Isniintii todobaadkan sheegtay inaysan hadda kaddib tiknoljiyaddeeda la wadaagi doonin Turkiga kaddib markii ay sheegeen in daroonnada Turkiga loo adeegsadey dagaalkii Nagorno-Karabakh, sida ku cad war kasoo baxay.

Brighton Against the Arms Trade (BAAT) ayaa shalay sheegtay in loo baahan yahay in sharikaadka kale ee British-ka ihi ay raacaan raadka Andair oo ay joojiyaan ”saanadda ay ku kabayaan” farsamaynta daroonnada Turkiga.

Waxay si gaar ah farta ugu godeen shirkadda EDO MBM Technology, oo saldhigata isla Brighton, taasoo daroonnada Turkiga ka caawisa gacannada lagu xiro gantaalaha Hornet-ka, kuwaasoo muhim u ah daroonnada Turkiga, gaar ahaan kuwa Bayraktar TB2.

Dalalka reer Galbeedka iyo Israel ayaa isha ku haya daroonnada Turkiga oo mar qura noqday kuwo lagu sheegay tayo iyo saxnaan shiish oo heer sare ah, iyagoo adeegsanaya marmarsiinyo ku saabsan in dagaallo loo adeegsadey, waloow aysan ka hadlin kuwa ay iyagu rayidka badan ku laayaan.

Hadalsame Media