Maxaa keenay in laga kala dhuunto ama hoos loo dhigo halgankii sharfoonaa ee Itoobiya looga saaray Muqdisho?

0

(Hadalsame) 15 Jan 2021 – Maanta oo kale sannadkii 2009-kii waxay dadka Muqdisho u ahayd maalin ciid ah oo ay aad ugu farxeen bixitaankii ciidamadii Itoobiyaanka ee arxanlaawayaasha ahaa. Xornimadii lixdankii waxaan ku maqlay sheeko uun, balse farxadda ay xornimadu leedahay iyo in aad cadaw aad kuu naafeynayay ka hoos baxdid waxaan dareemay maalintaas. Waxaan qaxooti ku ahaa deegaanka Tiida ee degmada Dayniile oo ay ka dhaceen dhacdooyinkii ugu badnaa iyo gaboodfalladii ay subaxba inta iska soo dheelmadaan ay qofkii ay rabaan dadka hortooda ku silcin jireen.

Itoobiyaankaas laayaanka ahaa waa la la diriray oo dagaal nafta iyo maalka ah ayaa markii dambe la gala hortegay. Si weyn oo aysan filanayn ayaa la iskaaga caabiyay ilaa la gaarsiiyay heer ay maydadkooda uga cararaan xaafadaha dhexdooda. Degmooyinka Huriwaa, Dayniile iyo Yaaqshiid ayaa ahaa meelihii ugu darnaa ee sida wayn ay ugu jabeen. Markii dambe way tabardhigeen oo waxaa lagu harqiyay kacdoon xabbadeed iyo mid siyaasadeed labadaba. Heer waxay gaareen ay xarumahooda ka soo bixi waayaan.

Dadka dhaha Itoobiyaankii ayaa wadahadal Xamar looga saaray waa dad aanan magaalada joogi jirin, hadday joogaanna aanan xog fiican ka haynin meeshii la kala maray. In awood iyo kacdoon lagu saaray waxaa daliil u ahayd laba arrin.

Tan koowaad waa in iyaga oo Xamar jooga ay magaaladii badankeedu gacanta u gashay muqaawamadii oo xitaa albaabada iskuugu dhuftay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde oo muddo u xirnaa amarka raggii dagaalamayay. Tan labaad, maalinkii ay Xamar ka baxayeen waxaa lagu sii sagootiyay dagaalkii ugu xumaa oo iyaga oo kala firxanaya ayay magaaladii madaafiic ku garaacayeen, waxaana xabbadaas la la daba taagnaa ilaa ay Dooloow ka gaaraan.

Sababta aanan loo buunbuunin dagaalladaas qaraaraa ee qaarkood inta aroortii ay billowdaan ilaa habeenkii gumaca layskala daali jiray waa in raggii guushaas ka dambeeyay ee qaarkood ay afar iyo labaatanka saac idaacadaha uga hadli jireen sida Cabdiraxiin Ciise Caddoow maanta ay ka dhuuntaan in la dhaho beri ayaad Itoobiyaanka la dagaasheen oo ay meel cad uga tageen libin ay lahaayeen.

Qoraa Ibraahim Hawd ayaa dhahay ” Taariikhooyinka bulsho iyo qofeed; haddii aanan la qorin xumaan iyo samaan, waxay la mid yihiin iyaga oo aanan dhicin”.

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Xasan Jidhi

Hadalsame Media