Sucuudiga oo dhisaya magaalo aan laga heli doonin waxyaabo ay magaalooyinku caan ku yihiin (Daawo)

0

(Riyaad) 11 Jan 2021 – Sucuudiga ayaa bilaabay dhismaha magaalo kaarboonka ka caaggan oo isu jirta 170km oo toosan si ka duwan magaalooyinka dhumuca ama ballarka leh, waxaana ku baxaysa  $500bilyan oo doollar.

Magaalada Neom ayaa waxaa soo bandhigay Dhaxal-sugaha, Mohammed bin Salman, waxaana mashruuca la yiraahdaa “The Line”, kaasoo qayb ka ah aragtida mustaqbaliga ah ee ay boqortooyadu ku doonayso inay ku abuurto hannaan dhaqaale oo aan saliida ku tiirsanayn.

Wuxuu sheegay diqowga uu keenay kaarboon laba ogsaydhku uu sababayo inay dadku gawaarida iska dhigaan oo lugeeyaan, maadaama ay 7 milyan oo qofi ay sanadkii u dhintaan cudurro uu diqowgu keenay.

Wuxuu sheegay in magaaladan cusubi aanay yeelan doonin “wax gawaari ah ama kaarboon ah” iyadoo ay dadka magaaladan degi doona oo hal milyan ihi ay baahiyohooda maalinlaha ah sida waxbarashada, shaqada iyo baashaalka gudan kari doonaan iyagoo samaynaya socod 5 daqiiqadood ah.

Magaaladan ayaa tamaraysan doonta awood laga dhaliyey hawada, badda iyo qorraxda, ha yeeshee, ma eed la’a oo dad badan ayaa ku baaqaya inaan la maalgashan maadaama uu nidaamka dalkaa gacan bir ah ku hayo MBS oo dembiyo badan loo haysto.

Hadalsame Media