”Ha ila hadlin!” – Trump & ku xigeenkiisa oo warkii kala goostay (Trump oo qol yar isku xirey & magacyada dad yar oo kusoo haray)

0

(Washington, DC) 11 Jan 2021 – MW Donald Trump ayaa la sheegayaa inay kala dhinteen asxaabtii ugu dhowayd isagoo haatan magansaday koox aad u kooban oo aan saamayn badan lahayn balse daacad u ah, isagoo col ka goostay cid kasta xitaa MW Xigeenkii ka odayayn jirey ee Mike Pence, sida ay isku raaceen afar ilood oo umuurtan la socota.

Rag ay ka mid yihiin geed fadhiga Jamhuuriga ayaa Trump ku wacad furay kaddib markii uu si cad u taageeray boqollaal rabshoole oo weerar ku qaaday Aqalka Koongarayska  ee Capitol Hill oo xilligaa lagu suntayey natiijada doorashadii Joe Biden.

Trump ayaa ku xigeenkiisa Pence, si shaac ah iyo si gaar ahba ugu eedeeyey inuusan dedaal dheeri ah ku bixin in Koongaraysku aanu suntin doorashada Biden maadaama uu isagu shir guddoominayey, isagoo sidoo kale ku xanaaqey kaaliyaha Pence, Marc Short, oo sheegay in Pence uu gutey waajibkiisii dastuuriga ahaa.

Trump ayaa la sheegayaa inuu xitaa mar Pence u canaantay sidii carruur uu dhalay, taasoo uu xafiiska MW Xigeenku diidey inuu ka hadlo, yeelkeede, Senator-ka Jamhuuriga ee Jim Inhofe ayaa warqaadka Tulsa World u sheegay in uu Arbacadii la hadlay Pence.

“Weligay ayaan aqaanney Mike Pence,” ayuu yiri. “Balse abidkay ma arag isaga oo u xanaaqsan sidaas.” ayuu raaciyey.

Sarkaal sare oo ku dhow Aqalka Cad ayaa sheegay in carada labada nin isu qaadeen ay keentay inaysan dib isula hadlin, iyadoo la ogyahay in Pence oo ahaa Barasaabkii hore ee Gobolka Indiana uu daacad u ahaa Trump muddo 4 sanadood ah, balse waxaa la sheegay inuusan khiyaamin Trump ee uu si cad ugu sheegay inuusan ka bayri doonin waajibaadyada Dastuuriga ah si uu isaga u raalli geliyo, sidaa darteed uu suntayo doorashada Biden.

“Mike Pence kama yaabin madaxwaynaha, balse si daacad ah ayuu ugu sheegay waxa uu doonayo inuu sameeyo.” ayuu yiri la taliye ka tirsanaan jirey Aqalka Cad.

Trump ayaa la sheegayaa inuu haatan isku koobay qol yar isagoo ka guurey xafiiskiisa Oval Office, waxaana hareerihiisa kusoo haray rag kooban sida Agaasimaha Dhijitaalka, Dan Scavino, Kaaliyihiisa Gaarka ah, John McEntee, La Taliyihiisa Ganacsiga, Peter Navarro, ninka khudbooyinka u qora, Stephen Miller, iyo Qarreenkiisa Khaaska ah, Rudy Giuliani.

Si kastaba, Koongarayska ayaa karinaya inuu xilka ka xayuubiyo Trump oo ku eedaysan inuu taageeray foowdo halis gelisey nidaamka Maraykanka, haddii markale la gole joojiyana wuxuu noqon doonaa madaxwaynihii ugu horreeyey ee Maraykan xukuma ee ay taasi ku dhacdo.

Hadalsame Media