Buuhoodle oo laga bilaabay beer noocyada casriga ah ee loo yaqaan ”Guryaha Cagaaran” + Sawirro

0

(Buuhoodle) 11 Jan 2020 – Waxaa meel aan ka fogayn Degmada Buuhoodle laga sameeyey beer ah nooca dedan ee loo yaqaan Greenhouse.

Beertan oo haatan howl bilaabaysa ayaa laga heli doonaa dhowr nooc oo khudaar ah, si ay taasi qayb uga qaadato wanaajinta amaanka cunto ee degaankaasi.

Waxaa haatan lagu bilaabay miraha loo yaqaan dalagga kaashka sida yaanyada, saladhka, basbaaska, bocorka iwm, iyadoo la sii ballaarin doono.

Ragga beertan asaasay waxay sheegeen inay u baahan yihiin ceel riig ah si ay biyo ku filan oo diyaar ah ugu helaan waraabka beerta, iyagoo baaq u diray hay’adda TIKA ee Turkiga ah iyo qaar kale.

Hadalsame Media