”Ama Xilka ka casil ama waan gole joojinaynaa!” – MW Trump oo 4 mudnaan waayaya haddii xilka laga casilo (Warbixin faahfaahsan)

0

(Washington, DC) 11 Jan 2021 – Golaha Wakiillada Maraykanku wax ay soo gudbiyeen dacwaddii la wada sugayay ee ku saabsanayd casilidda madaxweyne Donald Trump. Madaxwene xigeenka Mike Pence ayaa la ga dalbaday in uu casilo Trump sida xeerku dhigayo.

Haddii Pence casili waayo waxaa diyaarsan in la saaro maxkamad baarlamaan. Haddaba natiijooyinka Trump u ga dhalan kara sidan ayay u soo koobeen khubaradu sida uu qoray TV Aljazeera.

1. Waa maxay sharciga loo adeegsanayo maxkamadaynta Trump? Waa sharci soo baxay sannadkii 1958, waana qodobka labaad ee dastuurka faqraddiisa afraad oo qabta “madaxweynaha, madaxweyne xigeenka iyo dhammaan masuuliyiinta xukuumadda waa la casilayaa haddii Golaha Wakiilladu ku eedeeyo in ay galeen khiyaano, laaluush, ama dembiyo iyo fadqalallo weyn, ama la gu xukumo eedo kuwaa u dhigma”.

2. Maxay yihiin eedaha loo haysto Donald Trump? U gu horrayn waxaa loo haystaa weerarkii la gu qabsaday Congress-ka iyo in uu isagu taa dadka ku guubaabiyay. Waxa kale oo loo haystaa in uu dadka ku guubaabiyay in dawladda Maraykanka dagaal la ga la hor yimaaddo oo natiijadii doorashada xoog la gu beddelo.

3. Sidee u dhacaysaa maxkamadda baarlamaanku? Golaha Wakiilladu wax uu leeyahay kaalinta xeerilaalinta dacwad oogidda, halka Golaha Guurtidu lee yahay kaalinta guddidada dhaarsan ee xukunka ridaysa.

4. Si dacwad caynkaas ah loo oogo baarlamaanku muxuu u baahan yahay? Waxaa loo baahan yahay oggolaanshaha Wakiillada 50% la gu daray hal cod, xisbiga Dimuqraaddiga ayaana intaa haysta imika. Laakiin Golaha Guurtida waxaa loo ga baahan yahay saddex meelood oo meel oo u dhiganta 67 cod. Halkaa ayuu haddaba shaki ku jiraa in la marsiin karo waayo waxaa loo baahan yahay u gu yaraan in 23 xubnood oo Jamhuuriyiinta ahi taageerto.

5. Madaxnimada ay maalmaha yari uga hadheen ka sokow, Trump muxuu ku waayayaa in la casilo? Afar faa’iido oo waaweyn buu waayayaa haddii la casilo: b) lacag uu inta cimrigiisa ka hadhay qaadan lahaa oo sannad walba ah 200 oo kun oo Dollar. t) wax uu waayaya lacag dhoofafka la gu siin lahaa oo gaadhaysa sannad walba hal milyan oo Dollar. j) wax uu waayayaa ciidan federaalka ah oo amnigiisa ilaalin lahaa inta uu nool yahay oo dhan. x) wax uu waayayaa abidkii in uu xil dawladeed qabto, ha noqoto mid loo doorto ama mid loo magacaabo, taas oo macnaheedu yahay in aanu mar dambe isa soo sharrixi karin.

6. Laakiin haddii Golaha Guurtida la marsiin waayo eedaynta Trump weli faa’iidooyinkaa ma waayayaa? Maya, haddii Golaha Guurtidu diido waxba waayi maayo.

7. Xukun noocaas ah oo ku dhaca Trump muxuu u lee yahay labada xisbi? Xubno badan oo xisbiga Jamhuuriga ahi wax ay sheegeen in ay rabaan in qisada Trump la iska laabo (la ga takhalluso) waayo wax ay ka baqayaan musiibadiisu in ay sii dabo jiitanto siyaasadda dalka iyo xisbigooda, ay ka mid tahay in uu isa soo sharraxo doorashada 2024.

9. Trump xaq ma u leeyahay in uu xukunka baarlamaanka rafcaan ka qaato? Maya, xaq u ma laha in uu rafcaan qaato ama Maxkamadda Sare u dacwoodo.

Waxaa Diyaariyey: Ibraahin-hawd Yuusuf

Hadalsame Media