RASMI: Qatar Airways & Saudia oo si rasmi ah u bilaabaya duullimaadyada labada dal ee Sucuudiga & Qadar + Goorta

0

(Dooxa) 11 Jan 2021 – Qatar Airways ayaa ku dhawaaqday inay soo celinayso duullimaadyadii ay ku tegi jirtey Sucuudiga Carbeed isla maanta oo Isniin ah, kaddib heshiiskii laga gaarey go’doomintii socotey muddo 3 sano ka badnayd.

Shirkadda ayaa Twitter kusoo qortay inay duullimaadyada Riyaad bilaabay Isniin, Jan. 11, 2021, waxaana xiga Jiddah oo ay ka bilaabayso Khamiis, Jan. 14, kaddibna Dammaam Sabti, Jan. 16.

Axaddii shalay ahayd ayay sidoo kale Saudi airline SAUDIA waxay sheegtay inay maanta dib u bilaabayso duullimaadyadii ay Qadar ku tegi jirtey markii ugu horreeysey tan iyo 2017-kii, waxaana go’aankani daba socdaa heshiiskii ka dhacay magaalada al-Cula ee Sucuudiga.

Hadalsame Media