4 arrimood oo kasoo daahirtay kulankii Décalé iyo laba kale oo la is waydiinayo

0

(Hadalsame) 11 Jan 2021 – Waxaa la sheegayaa in xalay uu kulan ka dhacay Hoteelka 3-da Xiddigood ee Decale, kaasoo ay musharrixiinta Madaxweynayaasha kula kulmeen qaar ka mid ah madaxda Maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, oo maalin kahor uun sheegay in la qabanayo doorasho aan loo dhamayn, balse iminka misna sheegay inay xal raadinayaan.

MAXAA MUUJINAYA INAY MAAWEELO SOCOTO?

1 – Musharrixiintu waxay u taagan yihiin xil qaran, sidaa daraadeed, inay Guddoomiye Gobol la kulmaan iyadoo ay meel isku xireen madaxdii DF waa cudur faras haya oo laga gubayo dameer, waayo musharrixiinta lala kulmayaa waxay u taagan yihiin xil qaran ee gobol u tartami maayaan.

2 – Cillada 2-aad waxay tahay raggan gobolladoodii soo dayacay ee Muqdisho meeraysanaya waa kuwo ku loox ah Madaxtooyada oo waa isla kuwii dorraad sheegayey warar qaarkood lagu eedeeynayo inay ka been sheegeen, sidaa darteed, ma aha rag hadda kaddib arrinta xitaa ka qaadan kara door dhexdhexaadineed oo madani ah marka xilalkaba meel la iska dhigo.

3 – Mar kasta oo ay dhacaan kulamada noocan ah ee aan xaldoonka ahayn balse madadaalada ah waxaa sii ragaadaya waqtigii xalka lagu raadin lahaa, waxaana muuqanaysa in Madaxtooyada aysan ka go’nayn in wax la furdaamiyo, iyagoo ku fikiraya in muddo kororsigu uu si dadban qaabkan ugu iman karo, balse mar kasta oo uu dalku sii galo xaalad hubaal la’aan ah waxaa dhici karta in lala kulmo natiijo aan la sii saadaalin karin, iyadoo ay nasiib darro iyo mas’uuliyad darro noqonayso in si ku tala gal ah loo abuuro xaaladdan oo kale.

4 – Waxaa laga sheegayaa inay musharrixiinta hordhigeen inay maamullada Puntland iyo Jubbaland hordhigaan inay soo magacaabaan guddiyada doorashada ee laga sugayo, taasoo aan ahayn howl u taalla musharrixiinta, isla markaana aanba meesha ku jirin maadaama aan la isku af garan waxa la isku hayo. Xusuusnow ka hadli mayno qofkii khaldan iyo kii saxan.

SU’AALO LA IS WAYDIINAYO

1 – Waxaa se yaab leh oo la is waydiinayaa sababta ay musharrixiintu arrintan uga qaadan la’yihiin go’aan ah inay kaliya la kulmayaan cid ka socota DF iyo in ay iyaga laftooda ka daacad tahay oo aysan aqoonin cidda ay tahay in ay la shiraan marka ay u taagan yihiin xil qaran. Ma maaweelada ayay ogol yihiin mise waaba fahmi la’yihiin?

2 – Waxaa kale oo la is waydiinayaa in madax dhan oo xil qaran lagu aaminey ay lasoo shir tagaan bandhig siyaasadeed oo sidan u liita oo marka laga soo tago sufaho dano yar yar cayrsanaysa aan ka tarjumayn wixii laga filayey iyo waxa dalka u danta ah intaba? Waa ceeb iyo fadeexad in dal aan is haysanin oo ay awalba siyaasad geelu kala irdhaysay ay rag qurbaha ka yimid oo wax baan soo baranay ama fahmnay lihi ay isku dayaan ay dantooda gaarka ah u dacayeeyaan, taasoo aan socon karin, balse in lagu fikiraaba ay kas yari muujinayso.

Dalka halloo turo, waa waajib umadeed, waana la is waydiinayaa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media