9 qofood oo uu ku jiro asaasihii TPLF oo laga dejiyey magaalada Addis Ababa + Sawirro

0

(Addis Ababa) 09 Jan 2021 – Waxaa Addis Ababa laga dejiyey ilaa 9 xubnood oo ka tirsan jabhadda Tigreega ee TPLF ee Tigreega oo Jimcihii lagu qabtay meel ay ku dhuumaalaysanayeen oo u dhow Kola Tembein oo dhacda woqooyiga Tigraay.

Jen. Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in dadkan uu ka mid yahay Sebhat Nega, oo ka mid ahaa ragga aasaasay TPLF, kaasoo isa soo dhiibey kaasoo sidoo kale ganacsi balaayiin doollar ku fadhiya ka sameeyey Itoobiya 27-kii sanadood ee tegey.

Markii 9-kan qofood lasoo qabanayey ayay ciidanku sheegeen inay sidoo kale dileen ilaa 4 kale intii lagu jirey howlgalkii dadkan lagu soo qabanayey.

Kooxda TPLF oo laf dhuun gashay ku noqotay DF oo ay mar iyagu xukumi jireen ayaa weerar furan lagu qaaday markii uu sidaa ku dhawaaqay RW Abiy Axmed oo dagaalka wadey ilaa 28-kii Nofeembar oo ay Ciidanka DF qabsadeen magaalooyinka gobolka Tigraay.

Dadka ayaa u dheg taagaya sida ay DF ula dhaqanto raggan fallaagada ah, balse ugu yaraan waxaa muuqata in TPLF laga itaal roonaaday.

Hadalsame Media