Ciraaq oo barwo lagu soo xirayo u jartay MW Maraykanka ee Donald Trump (Dal kale oo isna doonaya)

0

(Baqdaad) 09 Jan 2021 – Maxkamad Ciraaqi ah ayaa soo saartay barwo lagu soo xirayo MW Maraykanka ee Donald Trump oo ay ku eedeeysay khaarajintii sharci darrada ahayd ee madaxii Hashd Al-Shaabi (PMF), Abu-Mahdi Al-Muhandis, iyo 11 kale.

Al-Muhandis waxaa la khaarajiyey sanad kahor iyadoo uu wehlinayey Taliyihii Ciidanka Quddus, Qasem Soleimani, iyo rag kale oo la socdey kaddib markii uu weerar ku qaaday daroon Maraykanku leeyahay mar ay kasii baxayeen Garoonka Baqdaad.

Barwada ay maxkamaddu jartay ayaa waxaa ku qoray eed dil ah oo uu xukunkeedu yahay dil toogasho ah.

Yeelkeede, Tariq Harb oo ah xeeldheere dhanka shuruucda ah oo Ciraaqi ah ayaa sheegay in warqaddani ay miisaali uun tahay balse ay mustaxiil tahay in abid lagu dhaqmo waxa ay dhigayso, maadaama ay madaxda dalalku ay leeyihiin xasaanad xitaa kaddib marka ay xilka banneeyaan, marka laga reebo dalalka soo koraya.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay garsoorka Iiraan, Gholamhossein Esmaili, ayaa isna sheegay in Iiraan ay Interpol la kaashanayso sidii loosoo qaban lahaa Trump oo ugu eedaysan dilkii khaarajiska ahaa ee Soleimani.

Hadalsame Media