Jawaab laga filayo Deni & Madoobe (Laba arrimood oo haddii ay ku dhaqaaqaan ay uga rayn karaan XF Somalia)

0

(Hadalsame) 09 Jan 2021 – Waloow aan aad uga horjeedo oo aan xilkasnimo darro u arkayo warka kasoo baxay Madaxtooyada oo jiidaysa qallaabi bilaa taayarro ah, misna taasi kama dhigna inay labadan nin eed la’yihiin, waayo in badan iyaga ayaa diida in horay loo socdo oo isku qataara DF iyo danaha dalka.

Waxaa durba nasoo gaaraya inay wada hadallo hoose u socdaan Deni iyo Madoobe oo ay dhici karto inay War Saxaafadeed fal-celin ah soo saaraan waqtiyada xiga ee soo aaddan, si ay u caddeeyaan moowqifkooda.

MAXAA HADDA IS BEDELEY? Waxaa haatan, si ka duwan sidii madaxdii hore oo inta badan ka roonaan jirey, dalka joogta dowlad ay hoggaaminayaan madax iyaga la xafiiltamaysa, taasoo sida muuqata ah dhaqan cusub oo aysan uga baran dhanka DF, isla markaana ragaadisey in xal la gaaro, maadaama uu qofba meel ku dhegey, taasoo aan ugu dambayn u roonayn dalka.

Waxaa sidoo kale khaldan sida ay Madaxtooyadu u wajahayso xallinta khilaafkan oo ay u dirayso madax kale oo ka tirsan Maamullada, taasoo aan ahayn door loo baahan yahay isla markaana muujinaysa inay Madaxtooyadu shaqadeedii u xil saarayso qof kale.

“Madaxda Qaranka tanaasul ayay sameeyeen, laakiin weli jawaab kama soo noqon saaxibadey Jubbaland iyo Puntland.” ayuu yiri Qoor Qoor oo ka hadlayey shir jaraa’id oo saaka lagu qabtay Madaxtooyada.

Sidaa darteed, waxay u muuqataa Madaxtooyadu aysan u dhaqaaqaynin dhankii loo baahnaa si wax loo xalliyo oo la iskugu jiid jiido iyadoo la eegayo sawirka guud oo ah qabashada doorashada 2021 oo aan ahayn howl ay umaddu u xil saaratay qof aan ahayn DF Somalia.

MAXAA U EG MADAXDA PUNTLAND & JUBBALAND?

Hal mid bay maanta dhibco ku qaadan karaan, waana iyaga oo u tanaasula danta guud iyo in aan dalku dib u noqon, haddii ay madax bannaani, hoggaamin iyo karti heerkaa gaarsiisan la yimaadaanna waxay ceebayn karaan waxay dirayaan laba farriimood:

1 – Waxay taasi weji gabax ku noqonaysaa madaxda sare ee XF oo noqonaya dad ku fashilmay hoggaamintii dalka, waayo xitaa haddii aan dad badani la dhacsanayn hab-dhaqanka maamullada qaar, misna DF iyada ayaa laga rabaa inay wax isu riix riixdo oo isku waddo.

2 – Waxay meesha ka saarayaan aragtida ah inaysan madax bannaanayn oo u adeegaan danaha dalal shisheeye oo la dagaallama midnimada iyo dowladnimada Somalia, kuwaasoo laga xuso Imaaraadka iyo Kenya iwm, marka la eego kuwa ay iyagu ologga la yihiin.

Ugu dambayn, haddii aan lagu fakanin xikmad ka timaadda dhanka DF ama aan loo aayin xal raadin laga helo dhanka maamullada haatan ka maqan miiska iyo musharrixiinta oo iyagu ku go’a in la qabto wax la isku raacsan yahay, waxaa iman karta natiijo aan qurux badnayn oo u baahan in laga taxaddaro oo si odaynimo iyo aqli ku jiro loo eego.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media