Dadka Maraykanka oo sheegay inay xalay daawadeen film-ka “Olympus Has Fallen” oo run ah (Fal-celinta Twitter-ka)

0

(Washington DC) 07 Jan 2021Taageerayaasha MW Trump ayaa xalay ku qamaamay dhismaha Aqalka Koongarayska ee Capitol Hill ee Washington DC halkaasoo ay kulan wadajir ah ku lahaayeen labada aqal ee Wakiillada iyo Senet-ka oo sugi lahaa saxnimada doorashada Joe Biden.

Arrintan ayaa dadka qaarkood xusuusisay film ka mid kuwa Maraykanka oo la yiraahdo “Olympus Has Fallen.”

“Olympus Has Fallen” waa film uu Hollywood soo saaray 2013 kaasoo uu sameeyey Antoine Fuqua wuxuuna ku saabsan yahay duullaan lama filaan ah oo ay North Korea ku qabsanayso Aqalka Cad ee uu dego MW Maraykanku.

Waxaase weerarka fashilaya wakiil horay uga tirsanaa Hay’adda US Secret Service kaasoo uu metelayo Gerard Butler kaasoo badbaadinaya MW Maraykanka, sida film-ku u dhigan yahay.

Halkan ka akhri fal-celinta Twitter-ka…

Hadalsame Media