Soomaalida Holland oo ka dhiidhisay maydka wiil Soomaali ah oo la gubi lahaa & go’aan laga gaarey

0

(Swolle) 21 Jan 2021 – Gudoomiyaha jaliyada Zwolle Cabdulqadir Cali Nuune ayaa ku guuleysatay in wiil soomaliyed dhawan ku geriyoday dalka Holland In meydkiisa la rabay in la gubo uu ka bad baadiyey meydkiisa tasoo noo ogalaneynin diintena suuban ee islaamka.

Guddoomiye Cabdulqaadir Nuune ayaa la hadlay warbaahinta somaliweyn una sheegay in uu wilka geeriyooday xaga dhimirka loogaga jiray oo una saxiixay in la gubo meydkiisa haduu dhinto mudo kadib uu geriyooday marxumka.

Wadahadal dheer Cabdulqadir Ali Nuune oo ah Madaxa Jaalliyadda Soomoalida Zwolle iyo nawaaxigeyeda ayaa dhowaan lagu soo wareejiyay Marxuumka.

Marxuumka waxaa gacanta ku hayay Hey’adda GGZ la yiraahdo iyadoo uu Cabdulqadir Cali Nuune uu sheegay in dhawaan maydka marxuumka ay duuganayaan Jaaliyadda Zwoola iyadoo loo aasayo si waafaqsan shareecada Islaamka halkii laga gubi lahaa.

Bashiir Jiidaal, Zwolle

Hadalsame Media