Baahida loo qabo saxaafad dabagal samaysa oo meel sare joogta (Maqaal muhim ah)

0

(Hadalsame) 05 Jan 2021 – Warfaafintu dunida maanta wax ay u tahay udubdhexaad aan la’aanteed wax ka la socon karaaba jirin. Dadku haddii aanay haysan lahayn xogta ay sida joogtada ah warbaahinta u ga helayaan ka ma ay duwanaadeen iyaga oo ku jira xabbis madow.

Qofku xogta uu ka haysto degaankiisa iyo dunidiisa ayaa u suuragliya in uu si habsimi leh hawlihiisa u maamusho, noloshiisa u qorshaysto oo ku talo goosto.

Dhanka kalena warbaahintu dadka wax ay u tahay aqoon kororsi joogto ah iyo wacyi ay dunida ku fahmaan, tagto, taagan iyo timaaddaba. Dhanka kale saxaafaddu waa awood ka mid ah awoodaha qaranku ku dhisan yahay, waayo wax ay ilaalisaa oo ka baqa cid wal oo xadgudbi lahayd, si la mid ah sida bilayska iyo garsoorka.

Sidaa darteed maanta ma jirto ummad dhisnaan karta warbaahin la’aan iyo qof dunida iyo bulshada la qabsan kara isaga oo aan helin xogta saxaafaddu bixiso. Haddaba waxaa dhab ah meelaha ay Soomaalidu ka curyaantay waxaa u gu daran saxaafadda.

Haa, waa la hayaa telefeeshinno, raadiyowyo iyo wargeysyo, saddexdaas oo loo yaqaan sooyaalka warbaahinta, oo la gu daro baraha internet-ka, se intaba waxaa ka maqan aqoontii iyo dabadeed tayadii loo baahnaa. Wax aan og ahay dalkaba in aan la gu baran culuunta saxaafadda, wariyayaasha oo dhamina yihiin dad xirfadda xiiseeyay uun sidaana ku galay.

Baahida u gu weyn ee la ga dareemayo daciifnimada iyo tayo xumada warfaafinta Soomaalida waxaa u gu horreeya qaybta loo yaqaan warbixinta dabagalka ah – investigative reporting. Dalalkeenna waxaa si joogto ah u ga dhaca jariimado waaweyn oo siyaasadeed, dhaqaale, bulsheed, degaan, khiyaano qaran, sharciga la dhigtay oo masuuliyiintu ku tuntaan, dulmi iyo ku tumasho dadka tabarta yar xuquuqdooda iyo waxyaalo la mid ah.

Laakiin nasiib xumo waxaas oo dhan ma jirto cid si habaysan u soo diyaarisa soona tabisa oo taariikhaysaa. Sababta warbaahinteenna loo ga waayay qaybtan saxaafadda muhiimka u ah ee warbixinta dabagalka ah, ama ay u liidataa, waa saddex arrimood, sida aan qabo.

Ta hore waa aqoonta saxaafadeed ee hawshaa la gu qaban lahaa oo yar. Ta labaad waa awood yari dhaqaale iyo agab suxufiga haysata. Ta saddexaad waa xorriyad la’aan iyo sharci ku tumasho ka jira dhulalka Soomaalida taas oo dhaqan galisay in aan suxufigu ku dhiirran cid awood leh ceebteeda iyo dembigeeda in uu dabo galo.

Suxufiga la gu magacaabo Cabdirisaaq-Terra dhawrkii barnaamij ee uu shaaciyay sannadkan, oo aan hubo in ay bulshada Soomaalida dhinac kale oo togan ka tustay masuuliyadda saxaafadda, waxaa si dhab ah u ga muuqday arrimaha kor ku xusan oo dhan: muhimadda weyn ee “investigate reporting” iyo baahida loo qabo, awood darrada dhaqaale iyo farsamo ee suxufiga ka haysata in uu hawshiisa guto, xorriyad la’aan iyo halista ku gadaaman in runta la sheego (Cabdirisaaq-Terra dalkiisii ma tagi karo ilaa ciddii uu jariimaddeeda sheegay talada ka tagto).

Dabagalka xogaha iyo soo tabinta jariimadaha dahsooni wax ay aad wax u ga beddeli lahayd dhaqanka mujrimiinta oo imika og wax wal oo ay xumeeyaan in aan cidina sii qodqodayn, oo marka la yara qayliyo ay iska odhan karaan “wax jiraa ma jiraan”.

Aynnu ku noqonno xilka warbaahinta iyo waxa loo ga baahan yahay. Buug caan ah oo beryahan dambe aqoonta saxaafadda marjac u ah ciwaankiisa waxaa la yidhaahdaa “The Elements of Journalism: What Newspeople Should Know and the Public Should

Expect”, waxaana qalindaraaleyay labada nin ee ka la ah Bill Kovach iyo Tom Rosenstiel.

Sagaal tiir oo xeer u ah suxufinnimada habboon iyo warbaahinta xilkaska ah ayay nimankaasi dajiyeen:

1. Run sheegnimo 2. Dadweynaha oo aad dhankiisa xigsato 3. Habsami iyo hubin 4. In la ga madax bannaan yahay cidda dabagalka la gu samaynayo 5. In aad isu dhigto in aad tahay indho si xor ah u haya dadka awoodda leh 6. Dadka in aad fursad u siiso warbixintaada in la naqdiyi karo 7. In aad ku dadaasho masalada muhiimka ah in muhiimnimadeedu muuqato 8. Xogtu in ay si guud masalada u wada daboosho isna haysato 9. Suxufigu in uu damiirkiisa adeegsado Richard Cookson oo ah nin ku xeeldheer aqoonta saxaafadda dhinaceeda dabagalka, barnaamijyada noocaas ahna u soo saara BBC, wax uu ina lee yahay:

“Haddii aad doonaysid in aad dunida wax ka beddesho, waxaa ku gu filan oo keliya qalin, warqad iyo maskax fayow. Intaas baad ku ridi kartaa madaxda faasidka ah, oo ku kashifi kartaa xadgudubka shirkadaha, oo aad sharwadayaasha jeel ku guri kartaa.” Mar kale wax uu qoray: “Warbixinta dabagalka ahi asalkaba waa in ay ka turjumaysaa oo keliya danta caamka ah”.

Taa wax uu tusaale u ga dhigtay wacadka ay dhigteen suxufiyiintu oo qodobbadani u gu doorran yihiin: * in la qaawinayo jariimadaha iyo xadgudubyada * in la ilaalinayo nabadgelyada iyo caafimaadka guud * in dadweynaha la ga difaacayo madalhufin la gu la kacayo iyo been cidi u sheegayso Isla ninkan Richard Cookson wax aan ka bartay murti uu oday hore ka soo xigtay oo dhahaysa, haddii ay masuuliyadda suxufigu tahay in uu xog soo tabiyo, isla isaga ayay saaran tahay xogtaa runnimadeeda in uu soo xaqiijiyo.

Wax uu yidhi, haddii aad laba nin aqal ku dhex waraysato oo midkood yidhaahdo maanta waa roob, ka kalena yidhaahdo maanta waa qorrax, adiga ayaa la gaa rabaa in aad kacdo oo daaqadda ka hubiso cimiladu labada xaaladood ka ay tahay. Ka dibna waa in aad sii raadisaa kii beenta sheegay waxa ku kellifay.

Waa dhab suxufiga Soomaaliyeed in ay haystaan duruufihii badnaa ee aynnu bilowga soo sheegnay, waxaa se loo ga baahan yahay kolley haddii uu hawshii isagu doortay kuna jiro in uu ku dadaalo gudashadeeda u gu tayo iyo waxtar roon ee suuragal ah.

Gaar ahaan waa in la xoojiyaa warbixinta dabagalka ah aadna loo qodaa balaayooyinka is dul huursan iyo jariimadaha dhan walba leh ee isku qudhmay. Taas baa maanta iyo taariikhdaba umadda faa’iido u leh suxufigana magac iyo maamuus u leh.

Taas baa sas iyo baqdin ku ridaysa dhagarqabayaasha dabadeed wax ka tari doonta wanaajinta dalka. Macno badan ma leh war yar oo la la ordo iyo in hebel hadlay ama hebel aamusay.

Waxaa la yidhaahdaa “warku waa wax cidi is lahayd qari oo la muujiyo”. Jaamacadahana wax aan ku la talinayaa in ay yeeshaan kulliyado la gu barto culuunta saxaafadda jaadadkeeda oo dhan.

Waxaa Qoray: Ibraahim-hawd Yuusuf

Hadalsame Media