Shirkado Muqdisho ku galay heshiis ”dhiig-miirad ah” & DF Somalia oo tillaabo looga baahan yahay

0

(Muqdisho) 05 Jan 2021 – Afar sharikadood oo kuwa duulimaadyada ah oo ka jira magaalada Muqdisho ayaa gaarey heshiis lagu tilmaamay mid ”dhiig-miirad ah” kaddib markii ay isku raaceen inay dallacaan tigidhada lagu raaco dayuuradaha isku xiraya Muqdisho iyo Nairobi.

Sida ku cad heshiiska ay gaareen afartan shirkadood oo ay maamulkoodu ku saxiixan yahiin, waxaa qofkii doonaya inuu u kala safro magaalooyinka aannu soo sheegnay hadda kaddib sicirka tikitka qofka wayn laga dhigayaa $260 Doollar halka caruurtu ay bixin doonaan $230 Doollar.

Arrintan ayaa ka dhigan koror laba-laab ku dhow, waayo awal wuxuu tikitku ahaa $140 Doollar.

Magacyada shirkadaha galay heshiiskan ayaa kala ah: Daallo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air, kuwaasoo fikirkan durba ka iibiyey maamullada qaar sida; Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland, isla markaana doonaya inay marsiiyaan DF Somalia.

Go’aanka kasoo baxay sharikaadkan ayaa sidoo kale halis ku ah suuqa xorta ah, maadaama ay aragtida noocan ihi keenayso gacan-togaalaysi shacabka loogu heshiinayo halkii uu jiri lahaa tartan furan, waayo waxaa heshiiskooda xitaa ku jirta inay u kaltamaan suuqa oo ay maalinba mid baxdo.

Yeelkeede, weli waxaa jira sharikaad duulimaad oo aan ka mid ahayn qorshahan sida; Jetways, Paf, iyo Silver Stone oo saldhigta Kenya, iyadoo horay Somalia loogu diidey shirkad kale oo Kenya saldhigata oo sicir rakhiis ah lagu raaco.

DF Somalia ayaa looga fadhiyaa inay arrintan go’aan ka qaadato si loo ilaaliyo danta dadka Soomaaliyeed ee danyarta ah, jeer ay weliba jidadkii go’an yihiin in badan sidoo kalena ay dalka ka jirto dhaqaale xumo uu uga sii daray cudurka karoonuhu.

Hadalsame Media