DAAWO: Dadkii yaalley gebi ahaanba qaybta ICU ee isbitaal ku yaalla Masar oo mar qura xijaabtey + Sababta

0

(Ash Sharqia) 04 Jan 2021 – Dhanaanba bukaannadii qabey coronavirus ee yaalley qaybta Daryeelka Deg Degga ah ee ICU ee isbitaal ku yaalla Masar ayaa wada dhintay kaddib markii uu xumaaday hannaankii ogsijiinka ee isitaalku.

Muuqaal uu duubay mid ka mid ahaa qaraabada qof bukaan ahaa oo yaalley Isbitaalka Guud ee El Husseineya Central Hospital ee Gobolka Ash Sharqia ayaa aad u xulaya baraha bulshada.

Habar-yarta qofka muuqaalka duubay, Fatima Al-Sayed Mohamed Ibrahim, 66-jir, ayaa ka mid ahayd dadkii lagu dawaynayey qaybta karaantiilka ee isbitaalka.

Shilkan nasiib darrada ah ayaa dhacay ka gadaal markii uu heera ogsijiinku gaarey wax ka hooseeya 2%, iyadoo aanu jirin cadaadis ku filan oo soo riixa amaba uu gebigiisba dhamaaday, taasoo ka dhigan inay neeftu ku dhegtey dadkii qaadanayey ogsijiinkaa macmalka ah.

Waa markii 2-aad oo ay arrintan oo kale dhacayso iyadoo sidoo kale ay bukaannadii ku jirey qaybta ICU-ga ee Isbitaalka Guud ee Zefta General ay calafkan oo kale la kulmeen.

Shilkan ayaa muujinaya musuq iyo dayacaad salka la gelaya nidaamka kali taliska ah ee dalkaa xukuma, iyadoo uu Wasiirka Caafimaadka, Hala Zayed, ay ku doodday in dadku aanay u dhimanin ogsijiin la’aan balse ma sheegin sabab kale oo maangal ah, iyadoo Ikhwaanka ku eedeeysay inay ”been faafinayaan.”

Agaasimaha Guud ee lsbitaalka, Dr Muhammad Sami Al-Najjar, oo isna muuqaalka wareegaya naqdiyey ayaa ku dooday inay dadku u dhinteen sababo dabiici ah min da’dooda oo waynayd iyo cudurro raaga oo ay qabeen.

Barasaabka Gobolka Ash Sharqia, Dr Mamdouh Gorab, ayaa isna sheegtay in dadka dhintay ay 4 qof uun yihiin ee aanay dhimanin dhamaanba dadkii yaalley qaybta ama waadhka ICU.

Nin baa ku celcelinaya ”qof kasta oo qaybtan daryeelka ku jirey waa dhintay.”

Hadalsame Media