”Aan ku biirno Kenya!” – Wasiir ka tirsanaa Jubbaland oo sheegay in A. Madoobe uu ”heshiis qarsoodi” ah kula jiro Kenya

0

(Hadalsame) 03 Jan 2021 – Wasiirkii hore ee Jubbaland ugu qaybsanaa Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa oo sidoo kale ahaan Xildhibaan ka tirsan Maamulka Jubbaland, Maxamed Nuur Buulle, ayaa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ku eedeeyey inuu Kenya la galay heshiis qarsoodi ah oo dhigaya in Jubbaland ay qayb ka tahay Kenya.

Maxamed Nuur Buulle, ayaa ku dooday in xilligii uu ka tirsanaa madaxda Maamulka Jubbaland uu Madaxweyne Madoobe mar iskugu yeeray xubno uu isagu ka mid ahaa sida uu sheegay, si uu ugu wargeliyo in ”Jubbaland ay ku biirayso dalka Kenya.”

“Aniga, labada madaxweyne ku xigeen iyo labo wasiir ah ayuu Axmed Madoobe inoo yeeray xilli subax ah, waxaanu nagu yiri, nimanyohow aan ka sii jeesano Somalia oo aan usii jeesano dhanka Kenya oo ku darsano,” ayuu yiri Buulle.

”Intii aanu hadalka dhamayn ayaan kacay, waxaana ku iri, ”Axmedoow, annaguna waxaan raadinaynay sidii loo soo celin lahaa Gobolka Woqooyi Bari (NFD), adigana waxaad na leedahay aan Kenya raacno,” wuxuu igu yiri, ”adiga oo nool inay janno nolosha kuugu timaadaan rabaaye macasalaama waxba laguma fahamsiin karee, fadhigiina waa uu nooga ka kacay” ayuu raaciyey Buulle.

Wuxuu Buulle intaa raaciyey eed uu u jeedinayo Axmed Madoobe oo uu sheegay in sababta uu markasta iskugu taagayo DF Somalia una khilaafsan yahay ay tahay siro hoose oo kala dhexeeya Kenya.

Hadalsame Media