DAAWO: Dadka Ingiriiska oo durba dareemay culaysyada ka dhashay Brexit (Dad shalay dayuurado laga reebay)

0

(London) 03 Jan 2020 – Dadka British-ka ah ee u duulaya dalka Spain ayaa loo diidey inay raacaan dayuuradaha British Airway iyo Iberia ee Madrid shalay tegayey, iyadoo loo sheegay in waraaqihii ay haysteen kahor Brexit aysan shaqayn doonin.

Kaaga darane dadka safarka laga joojiyey oo ilaa 9 gaaraya inta la xaqiijiyey ayaa guryo ku leh dalka Spain, waxaana dadka Heathrow laga celiyey ka mid ah weriye Max Duncan, kaasoo loo sheegay in kaarkiisa cagaarani aanu shaqaynayn hadda kaddib, waloow ay labada dowladood ee UK iyo Spain ay labaduba sheegeen inuu shaqaynayo kaarkan (NIE).

Safaaradda UK ee Madrid, ayaa sheegtay inay arrintan la yaabban tahay, iyagoo sheegay inay “khalad tahay inay arrintani dhacdo.

Weriye Duncan ayaa dhowr qof garoonka ku waraystay kuwaasoo sheegay inay la “yaabban yihiin” inay haystaan kaar aan shaqaynaynin oo ay u baahan yihiin Kaarka TIE.

“Waxaan u soconnaa Spain oo aannu guryo ku leennahay.” ayay ku doodday haweenay aan la bar garanayn.

Dadka UK ayaa awal dalalka EU ku tegi jirey dood la’aan, balse waxaa haatan garoomada lagu waydiiyaa inay haystaan fiise ama rukhsad deganaansho maadaama ay ururka ka bexeen 31-kii bishii hore, iyadoo ay Ryan sidoo kale diiddey dad doonayey inay u safraan Jarmanka.

 

Hadalsame Media

Facebook Comments