DF Itoobiya oo duqayn u gaysatey qabrigii Boqor Najaashigii caadilka ahaa + Sawirro

0

(Hadalsame) 02 Jan 2021 – Ciidamada DF Itoobiya ayaa lagu warramayaa inay duqeeyeen qabriga Boqorkii Caadilka ahaa ee Najaashi, sida ka muuqata muuqaallo laga helayo dagaalka Gobolka Tigraay oo uu qabrigani ku yaallo.

Ciidanka DF ayaa la sheegay inay qabriga oo uu sidoo kale masjid ku yaallo waxay ugu marmarsoodeen inay ku dhuumaalaysanayaan afraad ka tirsan kooxda TPLF.

Boqor Najaashi, oo sidoo kale loo yaqaan Armah, ayaa xukumi jirey Boqortooyadii ka jirtey woqooyig Itoobiya ee Aksum min 614-631, taasoo ka talinaysey dhul maanta ka kala tirsan Eritrea iyo Ethopia, taasoo jirtey min 100-940 Ciise Dabadii (CS).

Boqor Najaashi ayaa ahaa ninkii gabbaadka siiyey saxaabadii Quraysheed kasoo carartay magaalada Maka, isagoo xukumaya boqortooyo Masiixi ahayd balse Muslimay, waxaana loo yaqaan Hijradii 1-aad.

Turkiga ayaa 2017-kii dib u dhis ku sameeyey masjidka uu ku yaallo qabriga Najaashi.

Hadalsame Media

Facebook Comments