”Xitaa bacaha shaaha dhaafi maayaan!” – Dadka Israeli-ga ah oo hoteellada Dubai ka bilaabay xatooyo aan abid halkaa lagu arag (Daawo)

0

(Dubai) 02 Jan 2021 – Dalxiisayaasha Israeli-ga ee booqanaya Imaaraad oo ay dhowaan la ”heshiiyeen” ayaa lagu eedaynayaa inay xatooyo iyo farataysi ka bilaabaan qolalka hoteellada Dubai, sida uu qorayo maalinlaha Yuhuudiga ah ee  Yedioth Ahronoth.

“Sanado badan baan Imaaraadka ganacsi u tegayey. Bishii tagtay markaan imid hoteelkii aan ku degayey waan naxay markii aan hoolka hoteelka ku arkay dad Israeli ah oo laga baarayo walxo qolalka laga soo xaday,” ayuu yiri ganacsade Yuhuud ah.

Cabashooyinka isa soo taraya ee xatooyada ay samaynayaan Israeli-gu wuxuu bilowdya isla bilba kaddib markii uu si rasmi ah u bilowday duullimaadka rakaabka ah ee isku xiraya labada dhinac oo ah mid cusub.

Maareeyaha hoteel soo eegaya midka dunida ugu dheer ee Burj Khalifa, ayaa yiri: “Waxaannu martigeliney boqollaal dalxiis ah oo dunida ka kala yimid, waloow ay qaarkood dhib badnaayeen waa markii noogu horreeysey in alaabo laga xado hoteellada,”

“Waxaan dhowaan aragnay dalxiisayaasha Israeli-ga oo inta meel iskugu yimaadaan soo tuulaya waxyaabihii ay soo xadeen oo ay xitaa ku jiraan shukumaanno, bacda yar ee shaaha iyo kafeega iyo xitaa nalal,” ayuu raaciyey.

Wuxuu sheegay in mar ay dhacday in qoys Israeli ihi ay qol degeen iyagoo wata 2 carruur ah, balse markii ay baxayeen la tebey alaab badan markii la waydiiyayna ay aad u qayliyeen.

“Wadahadal badan kaddib oo aan booliiska ugu goodinney waxay ogolaadeen in la baaro, waxaana boorsooyinkoodii kasoo baxay taraamuus shaah ama baraf, hangarrada dharka la surto iyo shukumaannada wejiga iwm.” ayuu daba dhigay.

Dr Abd Al-Aziz Al-Khazraj Al-Nasari, oo ah bandhige Qadari ah ayaa soo bandhigay muuqaal uu ku sheegayo in milkiilayaal hoteello ku leh Dubai oo Imaaraati ihi ay usoo bandhigeen waxyaabo ay dadkani xadeen.

“Xiriirka lala yeeshay Israel wuxuu ka dhigan yahay in la iska iloobo alaabooyinka qolalka hoteellada.” ayuu yiri isagoo tixraacaya xiriirkii muranka keenay ee Aqalka Cad lagu saxiixay Sebtembar 15.

Hadalsame Media