Sidee ku kasban kartaa DHIBCAHA lagu helo Fiisaha UK? (Akhri sida uu u shaqeeyo hannaanka dhibcaysiga ee cusub)

0

(London) 02 Jan 2021 – Waaxda Socdaalka UK ayaa shalay si rasmi ah u bilowday qabashada araajida lagu dalbanayo dalkugalka dalkaasi, oo dadka EU ula dhaqmi doona si la mid ah dadka dunida kale, sidoo kale reer UK ayaa fiise kusoo geli doona EU.

Sidee u shaqeeyaa hannaanka dhibcaha ku dhisani?

Si aad fiise u hesho, waa inaan u qalantaa 70 dhibcood, waxaana lagu heli karaa sidatan:

Inaad haysato yabooha shaqo xirfad ku dhisan waxay ku siinaysaa 40 dhibcood. Inaad af Ingiriisiga taqaanno waxaad ku heleeysaa 10 kale, halkaa waxaad ku haysataa 50 dhibcood.

Wuxuu qofku 20-ka dhibcood ee haray ku heli karaa isaga oo haysta shaqo uu sanadkii ku helayo ugu yaraan £25,600 oo gini.

Waxaad kale oo 20 dhibcood ku heli kartaa inaad leedahay aqoon gaarsiisan PhD oo dhanka sayniska, injineeriyadda iyo xisaabta ama yabooh shaqo qof qabta uu ku yar yahay UK, xitaa haddii aan lagu bixinaynin lacagta lasoo sheegay. Waxaa halkaa soo geli kara shaqooyinka aysan rabin ama qabanaynin reer UK.

Shaqooyinka qaar ee dhanka caafimaadka iyo waxbarashada ayaa tusaale ahaan 20 dhibcood lagu helayaa xitaa haddii aan lagu bixinaynin £25,600 oo gini sanadkii, balse waa inay qaataan ugu yaraan £20,480 oo gini, isla markaana ay waafaqaan hab-raaca shaqo ee afarta qaran ee UK la isku yiraahdo.

Hadalsame Media