Muuqaal caddaynaya wixii dhacay markii ay Booliiska Minneapolis tooganayeen wiil Soomaali ah oo soo baxay (Daawo)

0

(Minneapolis) 02 Jan 2021 – Waxaa soo baxay muuqaal cusub oo ay soo saareen Booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, kaasoo ay duubtay kaamerada jirka ee booliskii qeybta ka ahaa dilkii loo gaystey Doolaal Ciid oo 23 jir ahaa.

Dilkaasi ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo boolisku ay qof rayid ah ugu geystaan magaaladaasi tan iyo jilib-ceejiskii George Floyd, oo ahaa nin madow oo boolisku ay dileen bishii May ee sanadkii tagay.

SIDEE WAX U DHECEEN? Booliska ayaa Arbacadii la soo dhaafay jidka ku joojiyay Doolaal oo sida la sheegay looga shakisanaa in uu ku lug lahaa fal dambiyeed weyn, kaddibna toogasho ku dilay.

Dad markhaati ah iyo booliska ayaa markii hore sheegay in Doolaal uu isaga markii hore xabbad ku billaabay booliska, kuwaa oo iyagana markii dambe toogtay oo halkaa ku dilay.

Si kastaba se, waxaa muuqaalka ku cad in Doolaal aanu dheg jalaq u siinin awaamiirta Booliiska oo marar badan ugu celinaya inuu istaago oo gacmaha sare u taago, balse gaari cad oo uu isagu ku jiro ayaa marba dhinac iskugu qaadaya gawaarida Booliiska ee ku hareereeysan.

Magaaladaasi Minneapolis ayaa horey waxaa u soo maray bilo ay dibadbaxyo rabshado wata ka dhacayeen kaddib dilkii ninkii madowga ahaa ee George Floyd oo boolisku ay gacantooda ku dileen.

Hadalsame Media