Qiil malloo heli karaa inuu MW Farmaajo uu Aqalka Madaxtooyada ciyaarta ku daawado (Hal su’aal oo bilaa jawaab ah)

0

(Hadalsame) 01 Jan 2021 – Waxaa baraha bulshada ka socota dood ku saabsan inuu MW Farmaajo xaq u lahaa inuu shalay ka baaqdo ciyaartii dhamaadka Koobka Maamullada.

Waxaa haddaba jirta hal arrin oo ay ku doodayaan dadka dhaliilsan baaqashada Madaxwaynaha.

Waxay dadkani qabaan in haddii aanu MW soo gelin lahayn muuqaallada iyo sawirrada inuu ciyaarta guriga ku daawanayey ay xitaa dadku iska dhaadhicin lahaayeen inuu kulamo ku mashquulsanaa, waloow aanu jirin kulan rasmi ah oo la ogyahay.

Yeelkeede, inuu xaafadda ciyaarta ku daawanayey waxay muujinaysaa in aanu mashquul shalay ahayn balse uu isagu iskii u go’aansaday inuu baaqdo.

Midda kale, ka qaybgelidda ciyaartani waxay sidoo kale muujin lahayd in nashaad iyo firfircooni badani weli Madaxwaynaha ku jirto, halka ay taa caksigeeda sheegayso baaqashada aan qiilka farsamo wadan.

Hadalsame Media