(Hadalsame) 01 Jan 2021 – Burburkii ka dib qabiilooyinka Soomaalidu wax ay ku waasheen gooni wax u sheegasho ku saabsan dawladnimada, taas oo iyaduna keentay in waxa la sheeganayo la galiyo nuxur aan ku jirin oo buunbuunin ah.
Fahanka khaldamay waxaa ka mid ah dawlad, caasimad, madaxweyne iyo wasaarad.
Taasi wax ay markeeda keentay in la isla fahmi waayo magacyada iyo tilmaamaha dawladnimada oo noqday haantaahadhuubla. Haddaba si loo hagaajiyo fahanka dawladnimada waa in la adeegsadaa erayo habboon oo aan maatada la majarahabaabin.
Wax aan soo jeedin lahaa in magacyadan la gu beddelo kuwan kale:
Dawlad goboleed waa qalad. Maamul goboleed baa sax ah.
Madaxweyne dawlad goboleed waa qalad. Guddoomiye maamul goboleed baa sax ah.
Wasiir dawlad goboleed waa qalad. Agaasime hay’ad goboleed baa sax.
Caasimad dawlad goboleed waa qalad. Xarun maamul goboleed baa sax ah.
Waxaa Qoray: Ibraahim-hawd Yuusuf
Hadalsame Media