RASMI: DF Itoobiya oo soo saartay saraakiisha Tigreega ah ee ku dishey dagaalkii ay ku qaadday Gobolka Tigraay (Magacyada)

0

(Addis Ababa) 01 Jan 2021 – Wasaraada difaaca itoobiya ayaa soo saartay liis ay ku qoran yihiin saraakiil ka tirsanaa TPLF oo ay sheegeen in ay ku dileen dagaalka gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya .

Taliyaha howlgalada ciidanka itoobiya Brig.Gen Tesfaye Ayalew, ayaa sheegay in madax iyo ciidan badan oo ka tirsan TPLF ay isdhiibeen balse kuwii diiday in ay isdhiibaan la burburiyay oo cagta la mariyay.

Saraakiisha la dilay ee ka tirsanaa TPLF waxa wasaaradu ku sheegtay in ay yihiin

* Col. Yemane Gebremichael
* Col. Alem Gebremedhin
* Col. Biniam Gebremedhin
* Col. Ambaye
* Col. Masho
* Col. Yirga Seyoum
* Col. Hadush
* Col. Atsebha
* Col. Tesfaye Gebremedhin
* Col. Yohannes Kalayou
* Col. Tekleggziabher
* Lt Col. Berhane

Sidoo kale waxaa taliyaha howlgalka ciidanka itoobiya uu sheegay in ay qabteen oo nolol ay ku hayaan Mulu Gebregziabher oo ah wasiiru dowlihii hore itoobiya ee gaadiidka.

Brig.Gen Tesfaye wuxuu tilmaamay in ay ku raad joogaan madaxda iyo saraakiisha kale oo TPLF oo uu sheegay in ay ku dhuumanayaan goobaha cibaadada iyo godad.

Waxaa Diyaariyey: Maxamuud Dhoorre

Hadalsame Media