”Waa daroonno waxgal ah!” – Ingiriiska oo bilaabaya barnaamij daroon oo uu ka qishayo dalka Turkiga

0

(London) 31 Dis 2020 – Dalka UK ayaa doonaya inuu bilaabo mashruuc cusub oo dhanka daroonnada ah isagoo ka duulaya kana qalin daaranaya guusha daroonka Turkish sameega ah ee Bayraktar uu ka keenay dagaallo uu ugu dambeeyey midkii Nagorno-Karabakh, sida uu dhigayo the Guardian oo soo xiganaya ilo gaashaandhig.

“Daafaca UK waxay aaminsan yihiin in adeegsiga Azerbaijan ee daroonno rakhiis ah oo uu Turkigu sameeyey ay sabab u ahayd inay 6 todobaad kaga adkaadaan Armenia,” ayuu qoray warqaadku.

Kaddib xabbad-joojintii lagu kala saxiixday Moscow, hoggaanka Nagorno-Karabakh ugu qaybsanaa Armenia oo halkaa haysatey tan iyo 1994-kii, Arayik Harutyunyan, ayaa qirtay sidatan:

“Haddii uu dagaalku sii socon lahaa maalmo gudohood ayaa gebigeen cagta nala marin lahaa oo xoog nalooka qaadi laha Artsakh (magaca ay Armenian-ku u yaqaannaan gobolka Nagorno-Karabakh).

Haddaaba daroonnada Turkiga sida Bayraktar TB2 ayaa meel wanaagsan uga soo baxay Xoogga Azerbaijani oo mid mid u toogtey gaadiidka dagaalka iyo hannaanada daafaca cirka ee Armenia.

The Guardian ayaa sharraxay in daroonka Bayraktar TB2 uu qiime ahaan joogo inta u dhaxaysa $1 ilaa $2 milyan oo doollar oo qura, halka kuwa ay Ingiriisku horay u haysteen ay ku kaceen $20 milyan oo doollar midkiiba.

Wasiirka Gaashaandhigga UK, Ben Wallace, ayaa horay u amaanay waxgalnimada daroonadda Bayraktar oo uu ku tilmaamay kuwo muujinaya horumarka iqtiraaca Turkiga oo uu qiray in markii loo diidey tiknolojiyadda shisheeye ay iyagu guntiga dhiisha iskaga dhigeen, mar uu ka hadlayey Mac’hadka Royal United Services Institute for Defense and Security Studies (RUSI), oo amaanka gorfeeya.

Turkey ayaa horumarinta daroonnadan ku diyaariyey muddo 10 sanadood ah, iyadoo ay Bayraktar TB2 oo ay sameeyso shirkadda farsamada agabka cireedka Baykar, ay toos u howlgelayeen tan iyo 2015-kii, iyagoo qaac ka kiciyey dagaallo ka dhacay Suuriya, Libya, woqooyiga Ciraaq ilaa Azerbaijan iyo Libya.

Hadalsame Media