”Waxaan qabsannay 80% dhulkii ay Itoobiya naga haysatey!” – Ciidanka Suudaan oo sheegay inaysan hakan doonin ilaa….(Itoobiya oo hadashay eedna jeedisey)

0

(Kharduum) 31 Dis 2020 – Ciidanka Suudaan ayaa ku dhawaaqay inay qabsadeen 80% ka mid ah geyiga dalkaasi oo ay sheegeen inay horay uga haysteen Ciidanka Itoobiya.

Jeneraal Khaled Abdin Al-Shami, oo ah Abaanduul Xigeenka Xoogga Suudaan, ayaa xaqiijiyey inay haatan gacanta ku hayaan 80% ka mid dhul beeraleey ah oo ku yaalla xadka labada dal, isagoo sheegay in aanay hakan doonin ilaa ay wada qabsanayaan dhulka ka maqan.

Wuxuu Al-Shami sheegay in Xoogga Suudaan ay haatan aag ka galeen dhul u saamaxaya inay difaacaan dhul-beereedka ay qabsadeen ee Al-Fashaqa Al-Kubra iyo Al-Fashaqa Al-Sughra, isagoo ku gooddiyey in ay “diyaar u yihiin inay iska difaacaan cid kasta oo ku tallamaysa inay soo weerarto.”

Jenetaal Mohamed Ahmed Sabir, oo ah Guddoomiye Xigeenka Waaxda Sirdoonka Millateriga Suudaan, ayaa sheegay in aanay doonaynin colaad ka dhan ah Itoobiya, balse ay ku socdaan ”mas’uuliyadda uu saarayo Dastuurka dalkiisu.”

Sabir ayaa sheegay inay doonayaan inay dib u qabsadaan dhul-beereed uu bedkiisu dhan yahay qiyaastii 2.5 milyan oo acre oo ku yaalla xadkooda bari ee Itoobiya oo awal gacmahooda ka maqnaa.

Dhanka kale, Dina Mufti, afhayeenka WaD Itoobiya ayaa Al Jazeera TV u sheegay in ay wadaan dedaallo lagu xallinayo murankan xadka kasoo cusboonaaday, isagoo gacan 3-aad ku eedeeyey inay gadaal ka taagan tahay Suudaan oo uu ku tilmaamay ”dal walaal ah.”

Yeelkeede, gayfanayaasha baraha bulshada ee Itoobiya ayaa Masar ku eedeeyey inay si firfircoon ugu lug leedahay inay dagaal ka dhex riddo Kharduum iyo Addis Ababa.

Hadalsame Media