”1991-kii kaligaa u laabo!” – Dadwaynaha Puntland oo si kulul uga fal-celiyey kelmad uu MW Deni ku sheegay in ”lakala tegi karo”

0

(Garoowe) 31 Dis 2020 – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa soo jiitey carada dadwaynaha gobolkiisa kaddib markii uu sheegay war ay dadku u fahmeen inuusan ka shaqaynayn maslaxadooda iyo midda umadda Soomaaliyeed.

“Soomaali hadday is fahmi waydo isku dabranaan mayso, oo waa kala tegeysaa… Haddii 1991 loo noqdona ninkasta maamulkiisa ayuu joogayaa”. ayuu yiri Siciid Deni oo ka qayb gelaya shirka ay Heritage ku qabatay Garoowe.

Mar laga hadlayey in la bedelo magacyada iyo darajooyinka la siinayo madaxda gobollada iyo nidaamkooda sida Madaxwayne iyo Dowlad-goboleed ayuu yiri.

”Maya, kama tanaasulayno. Dowlad gobaleedkuna way isaga bixi kartaa Dowladda Federalka haddii ay doonto.”

Yeelkeede, dadwaynaha ayaa si adag uga dhiidhiyey hadalka Deni oo ay ku tilmaameen nin inta badan aan sheegin hadal wax dhisaya, marka laga hadlayo masaalixda qaranna meel liidata ka istaaga, iyagoo sheegay inaysan la qabin in umadda colaad iyo xumaan loogu baaqo iyo in umadda lakala jarjaro toona.

”Intaas Kenya iyo Imaaraad ayuu u qaraabsi tagaa wuxu soo helo yuu wax ka siyaa? Markaas buu rabaa inuu shacabka qolqol ku xirto yaahu dheh.” ayay tiri Samiira Cirbad.

1991 haddii loo laabto adana macalinimadadii baad u laaban oo waxaad xoola shaqaystay dib bey u laaban.” ayuu yiri Saciid Cusmaan.

”U sheega ina Dani in 1991-kii aan loo noqonayne horey loo soconayo
Cuqdada iyo xaasidka kaa buuxdana dhalinta ha ku mustaqbal seejine adaa fudude dhibka dalka la dhaaf.” ayuu yiri Siciid Faysal.

”Maxaa keenayah inayni gadaal uu noqono inagoo Awoodna inaynu horay uu socono hadalada maa siyaasiinta ku hadlaysah 1991 lagu noqonayaa kolay dhulkan soomali ma leh filayaa sababtoo ah siday uu hadlayaan arkay.” ayuu yiri Cabdiqadar Khaliif oo yaabban.

”Markaas yuu la goosanayaa kolleey Puntland-ta kale hadalkaas kuma matalee…?” ayuu is waydiiyey Bishaar Gaagaab.

”Haddaa ma Imaaraad ayaan masloxo iyo qiyam kaa yeelayaa.” ayuu is waydiiyey Fu’aad Jaamac.

Bahashii samaan iyo xeerin la dhihi jiray iyo see umadu u badbaada waa lagu kari wayay Dani, balse labada ilmood uu dhalay somalia ha geeyo ka dip 1991 halo noqdo bal inay wanaag arkaan.” ayuu soo jeediyey Maxamed Xaaji.

Wax nin madaxwayna ihi ku hadllo maahan iyadoo Soomaali siday qaran ku noqon lahayd laga talinayo.” ayuu ku dooday Xuseen Cabdalla.

Dadka warka Deni ka falcelinaya oo u badan dhallinyaro reer Puntland ah ayaa waxaa ku jirey qaar yar oo taageeray aragtida balse aan keenin sabab micne samaynayso oo loogu guuxo in qaxarkii nasiib darrada ahaa ee 1991-kii loo laabto ama dalka gobollo yar yar loo jarjaro.

Madaxda haatan Soomaalida hor boodaysa ayaa mararka qaar u muuqda kuwo aan haynin ajende degsan oo ujeedkiisu yahay in lagu hagaajinayo danaha iyo horumarka umadda, iyagoo inta badan ku murma waxyaabo aad u licib saqiir ah, waxyaabaha waawaynna aan marna soo hadal qaadin.

Waxaa sidoo kale kelmaddan 91 ayaa loo noqonayaa ku hadaaqa siyaasiyiin ku sugan meelo kale oo dalka ka tirsan sida Muqdisho, kuwaasoo iyaguna la kulma cambaarayn baahsan oo kaga timaada shacabka waxgaradka ah, waloow ay jiraan in yar oo iskaga riyaaqsan aragtidaa qar iska tuurka ah.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media