Turkiga oo xirxirey dhallinyaro Soomaaliyeed oo jebisey amarka Dowladda dalkaasi + Sawirro

0

(Tokat) 29 Dis 2020 – Warark ka imanaya Turkiga ayaa sheegaya in magaalada Tokat ee dalka Turkiga lagu qabqabtay 12 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku sugnaa garoon xaafadeed lagu ciyaaro kubadda.

Dhallinyaradan oo ah arday dalkaa wax ka barata ayaa lagu haystaa inay jebiyeen handaraabka saaran dalkaas ee lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka Covid-19.

Waxaa goobtii ay ku ciyaarayeen soo gaareen Ciidanka Booliiska magaalada oo kulligood u kexeeyey Saldhigyada Booliiska magaalada midkood.

Ardayda 12-ka ah ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin arday 15 maalmood uun kahor ka timid dhanka Somalia, gaar ahaanna kasoo baxay Jaamacadda Umadda, kuwaasoo deeq waxbarasho ka helay Turkiga.

Hadalsame Media