”Taas xaq uma lihidin!” – QM oo furka ku xoortay Imaaraadka oo Israel ku taageeray tillaabo lagu ciqaabayo shacabka Falastiin

0

(New York) 29 Dis 2020 – Hay’adda QM ugu qaybsan Falastiin ee UNRWA ayaa aad uga dhiidhisey tillaabo ay Imaaraadku ku taageerayaan qorshe ay Israel abid u ololayneysey oo ah in albaabada loo laabo howlaha hay’addani ka hayso shacabka Falastiin oo aad ugu tiirsan, sida uu Afhayeenka UNRWA oo la hadlay TRT.

Warqaadka Faransiiska ah ee Le Monde ayaa todobaadkii tegey qoray in Imaaraadku ay Israel ku taageerayaan in gebi ahaanba la burburiyo Hay’adda Kaalmaynta Qaxootiga ee UNRWA iyadoo aan la xallin arrinta la isku khilaafsan yahay ee qaxootiga sida Israel oo diiddan inay soo laaban karaan qaxootiga Falastiin ee qaxay 1948-kii oo ay hay’adda ku eedeeyeen inay ku caawinayso, sida ku dhigayd warbixinta.

“Sharciyaddeennu waa caawinta iyo dhowrista qaxootiga Falastiin, sidaa darteed waxaannu siinnaa adeegyadan; caafimaad, waxbarasho, adeegyo bulsho iwm… si aannu gacan uga gaysanno sharaftooda iyo wanaaggooda,” ayay tiri Tamara Al Rifai, Afhayeenka UNRW oo la hadashay TRT World.

Qaxootiga Falastiin oo bilowgii markii dhulkooda laga eryadey 1948-kii 1 milyan oo qura ahaa ayaa haatan iyaga oo 7 milyan ah waxay ku kala firirsan yihiin caalamka iyadoo ay UNRWA u diiiwaan gashan yihiin 5.7 milyan oo 1.5 milyan oo ka tirsani ku nool yihiin 68 xero qaxooti oo ku kala yaalla Urdun, Lubnaan, Syria, Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

Hay’adda UNRWA oo la dhidbey 1949-kii ayaa sharciyaddeeda la cusboonysiiyaa 3-dii sanaba mar, waxaana sanadkii tegey la gaarsiiyey ilaa 30-ka Juun 2023-ka.

“UNRWA cid ”baabi’in” kartaa ma jirto inta ay u codeeynayaan dalalka xubnaha ka ah QM oo u codeeya una codayn doona in ay howsheeda sii wadato sidii dhacday sanad kahor.” ayay ku doodday Al Rifai.

Israel ayaa xiriirka ay la yeelatay Imaaraadka bishii Agoosto u adeegsanaysa inay ku fushato ajendayaal badan oo u badan kuwa gurracan oo ay ka leedahay dalalka kale ee Islaamka, iyadoo haddii hay’addan la burburiyo ay silac hor leh geli karaan dadka Falastiin.

Hadalsame Media