Cillado laga calaameeyey Ciyaaraha Gobolka oo celaajin u baahan + Soo jeedin

0

(Hadalsame) 29 Dis 2020 – BUUX DHAAFKA & HANAANKA OO QALDAN WAA HALIS! – Muuqaalada garoonka Eng. Yariisow laga qabtay sina waa u qurux badan yahiin, sina waa u halis badan yahiin.

Quruxda waxaa ka muhiimsan halista oo laga fogaado, tirada dadka oo badan, garoonka oo yar, nidaam qurux badan oo aan ka jirin habka loo hago dadka waxey keeni kartaa xaalad halis ah.

Goobaha qaar ee ay dadka fuuleen waa halis, wax badan oo dhib ah ayaana laga dhaxli karaa hadii la fiirsado.

Waxaan xiriirka kubadda cagta, hay’adaha amniga dalka iyo cid walba oo shaqo ku leh hanaanka hagidda garoonka u sheegi lahaa in dib loogu laabto wixii maanta dhacay, lana daraaseeyo halista ka imaan karta.

In ciyaaro la isugu yimaado waa qurux, in tiradaas badan garoonka soo xaadiraan waa qurux, in dadka banooniga lagu mashquuliyo waa qurux, balse halis yar oo dhacda ayaa waxaas oo qurux ah ku dheeli karta.

Badqabka dadka iyadoo la fiirinaayo – hannaan qurux badan haloo keeno taageerayaasha imaatinkooda iyo toosina qaabka fadhigooda.

SOO JEEDIN – Fadlan garoonka badala oo Stadium Muqdisho ka dhiga hadii la awoodo, hadaan la awoodinna tirada dadka hala xakameeyo oo yaan loo wada ogolaan si loo badbaado.

Waxaa Qoray: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media