Turkiga oo dal Muslim ah u tababaraya dagaallada biyaha hoostooda & berri-biyoodka (Imisa ayuu qaadanayaa?)

0

(Tripoli) 29 Dis 2020 – Ciidanka Badda Turkiga ayaa tababar 5 todobaad qaadanaya u furay dhiggooda Libya, kaasoo ku qotoma sida looga dagaallamo biyaha gudohooda iyo dagaallada berri-biyoodka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan WG.

Tillaabadan ayaa qayb ka ah heshiiska iskaashiga amaan ee ka dhexeeya labada dal, kaasoo la kala saxiixday Nofeembar 2019-kii.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in Turkigu ay Ciidanka Libya ee kala duwan siiyaan tababarro iyo mug dhisid wejiyo badan leh, kaasoo qayb ka ah heshiiska amaan ee Iskaashiga iyo Talooyinka Ciidan (Military Training, Cooperation and Consultancy Agreement).

Ciidanka Turkiga ayaa haatan sidoo kale tababarro u wada Ciidanka Ilaalada Xeebaha Libya, si ay baddooda u ilaashadaan isla markaana iskaga caabbiyaan weerar uga yimaada ciidanka LNA ee Hoggaamiye Kooxeedka Khaliifa Xaftar.

Askar ka tirsan Ciidanka Berri-biyoodka Turkiga
Askari ka tirsan Ciidanka Berri-biyoodka Turkiga

Hadalsame Media