Madaxwaynaha Jabuuti oo lagu eedeeyey inuu ”qoonsanayo” soo laba-kaclaynta Somalia

0

(Nairobi) 29 Dis 2020 – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa weerar ku qaaday MW Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu ku tilmaamay mid ”qoonsanaya soo noqoshada Somalia.”

”Geelle wuxuu rumaysan yahay in soo kabashada Somalia ay hareeynayso hoggaankiisa iyo hantida uu ku haysto Jabuuti,” ayuu yiri Faarax Macallin.

”Geelle wuxuu tobbaan sano saaxiib dhow la ahaa TPLF wuxuuna xeeladaysi taban ka wadaa Somalia. Nasiib xumo Jabuuti waxaa dal qoys u rogey MW Geelle.” ayuu daba dhigay.

Faarax Macallin oo muddo dheer xildhibaan iyo Guddoomiye Xigeen ka ahaa Baarlamanka Kenya ayaa ah nin si wayn uga faallooda arrimaha gobolka, gaar ahaan kuwa Soomaalida.

Jabuuti ayaa Somalia u qabatay waxyaabo ay ugu badan yihiin shirar dib u heshiisiineed iyadoo ay Soomaali badani aad u amaanto doorkeeda Somalia, balse waxaa jirta Soomaali kale oo il shakisan ku eegta dhaqaaqyada Geelle oo sidoo kale muddo 30 sano ah saldhig siinayey dayuuradaha lagu duqeeyo Somalia, isla markaana aan moowqif adag istaagin berigii ay Itoobiya soo weerartay dalka.

Si kastaba, Somalia ayaa Jabuuti xilligii xornimo doonka u gashay abaal aanay Jabuuti abidkeeda gudi karin.

Hadalsame Media