Guddoonka Gobolka Mudug ee Puntland oo usoo jawaabey Sheekh Umal

0

(Gaalkacyo) 29 Dis 2020 – Guddoonka Gobolka Mudug dhanka Puntland, Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare), ayaa ka hadlay falcelintii qaar ka mid ah culumada Soomaalidu ka keeneen hadal isaga kasoo yeeray oo ay u arkeen mid meel ka dhac ku ahaa diinta Islaamka.

“Wixii khalad ah oo aniga iga dhacay, oo ku khaldamidda diinta ah ama carrabka wax iga raacay waxaan uga toobad keenayaa Alle sababtoo ah nin muslim ah baan ahay. Sheekha waa nin culimo ah, ixtiraam baana u hayaa, nasiixaduna waxay ku jirtaa in qofka isagoo aan sharaftiisa wax loo dhimin jirkiisana la danqin wax loo sheeko, si uu warkaaga kaaga qaato. Waxaa igu filneyd inuu igu dhaho khalad baa kaa dhacay ee ka laabo, waana aqbalay isaga iyo culimada kalena waan ka maqlay waana cudur daartay.” ayuu ku yiri BBC-da.

Yeelkeede, wuxuu ka eed sheegtay in lagu tilmaamo qof aan salaad tukanin. waloow aan la xaqiijin karin in Sheekh umal uu guddoomiyaha ku tilmaamay mid ”mid aan tukanin”, waloow uu Sanyare laftiisu qirtay in aanu masaajidka tegin.

Sanyare oo sharraxay waxa lagu qoonsaday

Wuxuu sheegay in sababta aanu masaajidda u tegey ay tahay sabab amaan maadaama masaajiddii dadka lagu dilayo oo ay taasi keentay inay dad badani masaajiddii ka go’aan.

MUXUU SHEEGAY? Guddoomiye Sanyare ayaa 21-kii bishan Diseembar meel munaasabad ahayd oo lagu caleemo saarayey Duqa Magaalada Gaalkacyo garabka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Dhuux yiri sidan:

“Ayaan dhaweyd, masaajidbaa nin lagu hor diley, wadaadkii Imaamka ahaa baa la xiray, odayaashii oo dhan baa ii yimid, waa la ila soo hadlay wadaadka hala sii daayo, wadaadkii taliyihii qaybtaan wacay waxaan ku iri wadaadka soo daa, baaridna ha gelin,”

Waxa uu Sanyare intaas ku daray “Culimadii iyo odayaashii baan qado u sameeyay waxaan ku iri culimo-allaay soo masaajid ma ahan waxa aad ka hadlaysaan, aniga waxba iiguma fadhiyo addinkiisaa I dhiba, kumana tukado, ee ama aan misaajidka ku wada tukanno oo Shabaab dagaal diin been ah bay wadaanee taxriifka ka saxa ama masaajidda waa xirxiraynaa kuligeenna guryahaan ku tukanaynaa.” ayuu daba dhigay.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada ugu waawan ummadda Soomaaliyeed ayaa deeto hadalkaa si caro leh uga jawaabey, kaasoo uu ku tilmaamay mid laga noxo.

“Hadalka noocaas ah iyo dhiiranaanta noocaas iyo indha-adeyga noocaasi ah oo ruux Muslim ah oo Alle iyo aakhiro rumeysan uu ku hadlayo oo haddana baraha bulshada la soo galiyay oo dadku wada dhageysanayaan waa arrin runtii naxdin leh” ayuu yiri Seekh Umal.

Gudoomiye Sanyare ayaa mar ahaan jirey xildhibaan ka tirsan Barlamanka DF Somalia, isagoo bartamihii sanadkan noqday Guddoonka Gobolka kaddib khaarajintii walaalkii oo ay qarax ku dishey kooxda Al-Shabaab.

Hadalsame Media