Ruushka oo lasoo shir tegey dayuurad nooc cusub ah oo laga walaacsan yahay + Sawirro

0

(Moscow) 28 Dis 2020 – Ruushka ayaa soo bandhigay dayuurad miisaan culus misna ah nooca is wada ee daroonka oo lagu magacaabo Okhotnik.

Dayuuraddan oo sidoo kale lagu naanayso ‘The Hunter-B’ ama Ugaarsade ayaa markii ugu horreeysey muuqeeda la arkay 2019.

Yeelkeede, haatan ayay mar kale kasoo garab muuqatay dayuuradda cusub ee iyana Ruush sameega ah ee Su-57 oo ah jiilka 5-aad ee casriga ah, welise toos looguma hubaynin Ciidanka Cirka Ruushka.

Sukhoi S-70 Okhotnik-B, oo howsheedu soo taxnayd tan iyo 2011-kii, ayaa waxaa naqshadeeyeyl sharikadda dayuuradaha samaysa ee MiG waxaana dhidaysa Sukhoi iyadoo ah jiilka 6-aad.

Howlaha ay qaban karto oo fara badan waxaa ugu waawayn sahanka, sirdoonka iyo weerarka tooska ah maadaama uusan raadaarku arki karin iyada oo is qarinaysa iyo iyada oo ku duuli karta joog aad u sarreeya intaba.

Xawaaraha ugu badan oo ay saacaddii gaari kartaa waa 1,000 km, halka ay jari karto masaafo dhan 6,000 km guud ahaan, waxayna qaadi kartaa gantaalaha la hago iyo kuwa aan la hagin intaba.

Hadalsame Media