”Somalia waa dhaaratay!” – Hees uu Falastiin u qaaday wiil Soomaali ah oo fal-celin cajiib ah ka heshay dunida Carabta (Daawo)

0

(Hadalsame) 28 Dis 2020 – Hees uu qaadayo wiil dhallinyaro ah oo la yiraahdo Maslax Mideeye ayaa fal-celin cajiib ah ka heshay dunida Carabta.

Heestan oo halku dheggeeda la yiraahdo Quddus (Jerusalem) ayaa si qiire leh uga hadlaysa sida ay Muslimiintu u dayaceen reer Falastiin iyo sida loogu baahan yahay inay u midoobaan xoraynta Masjidul Aqsaa, Quddus iyo guud ahaan dhulalka reer Falastiin.

Hadaba, dadka Carabta ah ee Youtube adeegsada ayaa si wayn uga fal celiyey heestan iyagoo la yaabay sida uu u nool yahay damiirka umadda Soomaaliyeed.

”Kaddib markii ay dagaallo badani la degeen waxaan is lahaa way is bedelayaan, balse weli waa ku adag yihiin mabda’a reer Falastiin.” ayuu yiri nin ka falanqaynayey Huda Tube oo ka sameeyey muuqaal ay ciwaan uga dhigeen ”Soomaalida oo u hanjabtey kuwa iibiyey Falastiin.”

Noor & Nada ayaa iyaguna sheegay inay la qiiroodeen heestan oo ay ku tilmaameen ”middii ugu fiicnayd”, iyagoo ku falanqeeyey muuqaal ay cinwaan uga dhigeen ”Farriin ka timid Somalia oo ku socota madaxda Carabta.”

Hoos ka daawo….

Hadalsame Media