Dowladda Afghanstan & Daalibaan oo ku wada hadlaya Dooxa (DF Somalia & Al Shabaab oo sidoo kale….)

0

(Dooxa) 28 Dis 2020 – Wareeg 2-aad oo wadahadal ah oo u dhexeeya kooxda Daalibaan iyo Dowladda Afghanstan ayaa bisha soo aaddan ka furmaya dalka Qadar, tiiyoo ay jirto in MW Ashraf Ghani uu dhowaan dalbaday in wadahadalkan lagu qabto gudaha dalkiisa.

Wadahadallada ayaa hoteel qaali ah oo Dooxa ku yaalla ka bilaabmay Sebtembar 12, balse haatan waxay ku jiraan biririg la isla ogyahay ilaa Jannaayo 5.

Faraidoon Khwazoon, afhayeenka Golaha Sare ee Dib u Heshiisiinta Afghanistan, oo ah midka gacanta ku haya geeddi socodka wadahadalka ayaa sheegay in ay ogolaadeen inuu shirku kasii socdo Dooxa, isagoo sidoo kale sheegay in dalal kale oo horay ugu yaboohay inay shirka martigeliyaan ay ka bexeen cudurka COVID-19 dartii.

MW Ghani ayaa sheegay inaysan “qurux badnayn inay ku shiraan hoteello qaali ah, balse loo baahan yahay in dadka loosoo dhoweeyo sida ay wadaxaajoodyadu u dhacayaan”, yeelkeede, Daalibaan oo aan aalaaba diidda in lagu shiro gudaha Afghanistan ayaan dalabkiisa kasoo jawaabin.

Daalibaan waxay ka mid tahay ururro hubaysan oo dabayaaqadii 80-meeyadii ka kacay meelo badan, balse haatan isu rogey kuwo culays iyo dhibaato uun ku haya shacabka Muslimiinta ah xitaa wax ajende ah oo horay u socod ahna aan xambaarsanayn iyagoo marar badan sii qaybsama, marka laga reebo in uun wax la dilo ama la qarxiyo dad u badan Muslimiin.

Somalia oo ka mid ah dalalka ay xag-jirnimadu la degtey ayaa waxaa socdey hindise uu Maraykanku wadey oo lagu wada hadashiin lahaa DF Somalia iyo kooxda Shabaab oo isla Dooxa ogolaatay inay martigeliso, kaasoo uu Maraykanku u arkay mid aan hadda loo baahnayn waana la iska tuuray, balse ma jirto aragti iyo rabitaan labada dhinac ka imanaysa oo ku saabsan in la wada hadlo halkii shacab masaakiin ah makhaayadaha lagu layn lahaa.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments