Dhismaha jidka Muqdisho-Afgooye oo lasoo afjarayo & bilowga midka Muqdisho-Jowhar oo bilaabmaya

0

(Muqdisho) 28 Dis 2020 – Guddooka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa sheegay inuu kormeer kusoo kala bixiyey sida uu u socdo dhismaha jidka wayn ee isku xiraya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Jidkan oo lagu dhisayo maalgelin ay samaysay Dowladda Qadar jeer ay mashruuca fulinayaan Turkigu, ayaa wuxuu haatan kusoo afjarmi doonaa muddo 2 todobaad ah, sida uu sheegay Guddoonku.

Wuxuu ku baaqay in la dhowro jidkan oo ah hanti umadeed maadaama ay dadwaynuhu kaga raysan doonaan wadadii rafka ahayd ee aadka u yarayd ee ay awal mari jireen.

Guddoonka Gobolka ayaa dhanka kale shaaca ka qaaday in sidoo kale dhowaan la bilaabi doono wejiga kale ee dhismaha jidkan oo isna lagu dhisayo jidka isku xiraya Muqdisho iyo Jowhar oo kaba burbur badan midda Xamar-Afgooye.

Kaabayaasha dalka oo ay waddooyinku ka mid yihiin ayaa ku burburay dagaalladii sokeeye, iyadoo aanu dhaqaaqi karin dal aan lahayn kaabayaal dhaqaale sida jidad, waxbarasho, caafimaad, isgaarsiin, biyo, koronto, shaqooyin iwm.

Hadalsame Media