War lagu farxo oo usoo yeeraya Soomaalida rajada ka leh in Maraykanka loo qaado

0
Arbeitsbesuch Libanon, Vizekanzler Michael Spindelegger besucht im Rahmen seiner Nah Ost Reise das FlŸchtlingslager Delhamieh welches von der Caritas verwaltet wird. Libanon, 13.04.2013, Foto: Dragan Tatic

(Washington, DC) 26 Dis 2020 – Maraykanka ayaa kaddib sanado uu jarayey tirada qaxootiga dalkaasi imanaya wuxuu haatan diyaar u yahay inuu markale kordhiyo marka uu xilka la wareego Joe Biden.

Biden ayaa la filayaa inuu tirada qaxootiga Maraykanka imanaya uu kordhiyo 8 laab, taasoo ka dhigan inuu gaarsiin doono 125,000 halka ay haatan sanadkii dalkaa geli karaan 15,000.

Maraykanka ayaa samaynayey dhimitaan joogto ah muddo sanado ah. Tusaale MW Donald Trump, wuxuu dhaxlay qoondo ah 85,000 oo uu ka dhaxlay Barack Obama.

Trump ayaa deeto hoos u dhigay oo gaarsiiyey 50,000 sanadkii 2017, deeto 45,000, deeto 30,000, deeto 18,000 sanadkan 2020 iyo, ugu dambayn, 15,000 oo uu u qoondeeyey sanadka nasoo qaaqamaya ee 2021, waa dhimis kusoo aaddey xilli ay UNHCR sheegtay in kororka qaxootiga dunidu uu gaarey halkii ugu sarreeysey tan iyo Dagaalkii 2-aad ee Adduunka oo lagu qixiyey in ka badan80 milyan oo qof.

Tiradan la dhimay oo sidoo kale ah middii ugu yarayd tan iyo 1980-kii, ayaa waxaa jira dad taageersan oo sheegaya inay badbaadinayso shaqooyinka Maraykanka, halka ay dad kale qabaan inay meesha ka saarayso hoggaamintii Maraykanka ee caalamka.

Yeelkeede, Trump ayaa warqad uu qoray Oktoobar 27 oo uu ku hagaajiyey Wasaarad Dibadeedka dalkaasi wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay in Maraykanka laga celiyo qaxootiga ka imanaya dalalka Suuriya, Somalia iyo Yemen, oo uu ku sheegay kuwo “halis sare xambaarsan maadaama ay argagagixiso ka jirto ama xukunto,” sida uu yiri, marka laga reebo kiisas yar sida midaynta qoysaska, dadka diimohooda la baxsan waayey iyo dadka sida gaarka ah ay hay’adi usoo gudbisey.

Hadalsame Media