Maraykanka oo ”axsaan” lama filaan ah u sameeyey dalka Iiraan (Waa maxay?)

0

(Tehraan) 26 Dis 2020 – Iiraan ayaa sheegtay inay Maraykanka ogolaansho ka heshay si ay u dirto lacag ay tallaalka coronavirus uga soo iibsanayso dibedda, sida uu sheegay Bankiga Dhexe ee dalkaasi.

Guddoonka Bankiga, Abdolnaser Hemmati, ayaa hilinka dowladda u sheegay in ay rukhsad ka heleen Xafiiska Hantida Dibedda ugu qaybsan Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ee OFAC si ay lacagtooda ugu diri karaan Swiss Bank taasoo ay ku bixinayaan tallaalka Covid-19.

“Iyagu [Maraykanku] waxay cunaqabatayn naga saareen bankiyadeenna oo dhan. Tan oo qura ayay aqbaleen kaddib markii cadaadis caalami ah la saaray,” ayuu yiri Hemmati.

Wuxuu sheegay in Iiraan ay bixinayso lacag dhan $244m si ay usoo iibsadaan qaybta hore ee tallaalka oo ah 16.8 milyan oo kuuro oo ah tallaalka ay hayso Covax, oo ah sharikad caalami ah oo u xil saaran in sicir macquul ah tallaalka lagu siiyo dalalka uu dakhligoodu hooseeyo ama meel dhexaadka yahay.

Iiraan ayaa horay marar badan u sheegtay inuu Maraykanku ka hor taagan yahay inay talllaalka kasoo iibsadaan Covax, oo ay heshiis kula jiraa 190 dal.

Hadalsame Media