Madax ahow ama mucaarad ahow middan lagaa yeeli maayo

0

(Hadalsame) 26 Dis 2020 – Waxaa beryahan socda doodo ku saabsan in nidaamka hadda jira laga dhadhaminayo inuusan daacad ka ahayn inuu awoodda u wareejiyo si daacad ah, taasoo kaliya ku iman karta agaasinka doorasho xor ah oo madax bannaan, sida ay qabaan mucaaradka iyo taageerayaashoodu.

Anigu ma hubo inuu jiro ujeed sidaa u mutaxan, balse si kastaba waxaa waajib ah in aan lagu fikirin wax kasta oo keeni kara in nidaamka laga aamin boxo, la noco, la dhibsado ama loo arko mid qof leeyahay ama ku danaysanayo.

Yeelkeede, waxaa jirta arrin kale oo ay tahay in shan farood lagu fiiqo, waa sheekada kale ee foowdada iidheh u samaynaysa sida hebel baa meel hebla qabsaday, hebel baa ciidan meel ku xaraystay iyo reer hebel baa sidaa damacsan.

Dowladnimadu ma aha wax cid gaar ah waajib ka saaran yahay, tan kale marka aad diiddan tahay nidaam xumo waa inaad adigu nidaam wanaaj muujisaaye ma aha inaad wax dowlad ka khaldan adiga oo diidaya aad ku dhaqaaqdo wax kasii daran waxa markaa taagan, waayo taasi horay ayay noosoo martay oo waa cashar aan soo barannay. Looma baahna ”kud ka guur qanje u guur.”

Ragga ay maanta taladu ka go’do lafteeda waxaad mooddaa inay xaaladda si kasta ah u cakirayaan, balse waa inaan ogaannaa in aanu qofna kaa yeelaynin ”anigaa ciyaaraya anigaana garsooraya ciyaarta”, tan kale, sumcadda dalka iyo dib u soo noolayntiisa caawin mayso xaaladdan taagan (political stagnation), marka ragga ay taladu ka go’do waa inay is dhaameelka daayaan oo ay bahasha ur u bixiyaan oo haddii aysan dalka wax ku kordhin karin aysan wax u dhimin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

 

Facebook Comments