Maxaadan ogayn oo ka socda xeebaha Somalia (Muuqaallo laga qaaday dhanka cirka)

0

(Muqdisho) 25 Dis 2020 – Muuqaallo dhanka dayax-gacmeedka lagu qaaday oo uu eegay warqaadka The War Zone ayaa muujinaya inay korortay howsha ka socota Sadhigga Maraykanku ku leeyahay Jabuuti ee Camp Lemonnier jeer uu Pentagon uu ciidamadiisa ka saarayo dalka deriska ah ee Somalia.

Ciidanka Badda Maraykanka ayaa xeebaha Somalia soo dhoobay raxan maraakiib ah oo ay ku jiraan dayuurad xambaarayaasha loo yaqaan dabaqadda USS Nimitz iyo dabaqadda Wasp oo qaada dayuuradaha qumaatiga u duula sida USS Makin Island, iyo saldhig badeedka USS Hershel “Woody” Williams, si ay ciidamadan ugu daad gureeyaan dalalka deriska ah.

Muuqaallada cirka laga qaaday ee saldhigga Camp Lemonnier ee uu baaray The War Zone ayaa waxaa qaaday Planet Labs 21-kii bishan, waxaana ka muuqda ilaa 13 dayuuradood oo ah nooca C-130, waxaana sidoo kale laga arkayaa nooca xamuulka howlgallada gaarka ah ee C-146A Wolfhound oo u muuqda kuwo u diyaarsan inay duulaan.

Ugu yaraan afar (4) xabbo oo ah dayuuradaha baalasha laabta ee sida joogga ah u duula ee V-22 Osprey ayaa iyadana lagu arkay Camp Lemonnier iyo garoonka Muqdisho intaba. Waxaa iyagoo joog hoose ku duulaya xeebaha gobollada dhexe lagu arkay B-52 iyo P-8A Poseidon oo badaha roondeeysa.

Maraykanka ayaa la fahamsan yahay in aanu joojin doonin weerarradii uu ku qaadi jirey kooxda Shabaab ee dhanka cirka ahaa kuwaasoo ahaa howsha ugu badan ee uu ka hayey Somalia, sida uu ballan qaaday Taliska AFRICOM, iiyadoo bixtaankan wax laga saaray is fahmi waa soo kala dhex galay madaxda DF iyo Trump oo saaraya ciidamada dalal badan ka jooga taasoo lagu tilmaamay go’aan aan lahayn nuxur istaraatiji ah.

Hadalsame Media