”Aniga oo quustay ayaan feerkiisa isu diyaarinayey!” – Haweenka Soomaaliyeed ee Edmonton oo wajahaya weerarro cunsuriyadeed

0

(Edmonton) 25 Dis 2020 – Muraado Raage oo ah ayeeyo Soomaali-Canadian ah — waxay ka mid tahay 3 haween oo kale oo Soomaali ah oo lagu weeraray magaalad Edmonton, Canada.

Waxay fadhidey astaan basaska laga raaco markii uu soo weeraray nin caddaan ah oo ku qaylinaya: “Waxaanba halkan ku haynaa al-Qaacida na dhex joogta…. Meeshani waa halis!”

”Wuxuu ahaa nin xoog wayn oo caraysan,” ayay tiri iyada oo loo tarjumayo, waxayna ka sheekaysey in iyada oo ciirsi la’aan ah ay isu diyaarisay jugihiisa iyo feerkiisa. Nasiib wanaag waxaa kasoo gaarey baskii ay sugaysey oo ay ku carartay.

Dhacdada ayeeyo Muraado waa 5 sanadood kahor, balse bishan gudeheeda ayay weerarradu aad u kordheen. Soomaalida Edmonton oo awal ay dhibaato ka haysatey wiilasha oo ku dhimanayey dagaalladda gaangiska ayaa haatan waxaa u dheeraaday weerarro cunsuriyadeed oo gacan ka hadal wata, sida ay sheegeen urur ay leeyihiin hooyooyinka iyo ayeeyooyinka oo la yiraahdo Hoyo Collective.

“Hadda gabdhihii yaa loosoo dhigtay, hooyooyin badanna waan ka maqlay arrintan,” ayay tiri Nasra Warsame, oo ah hooyo Soomaaliyeed oo gabadheeda bas looga dhex qaatay telefoonkeedii iyadoo middi lagu hayo.

8-dii bishan Diseembar ayay ahayd markii nin ku qaylinaya kalimaad takoor xambaarsani uu laba haween ah oo gabar iyo hooyadeed ah ku weeraray meel u dhow suua Southgate Mall, isagoo gaari ay dhex fadhiyeen ku jebiyey oo bannaanka ula soo baxay kaddibna feer ku daldalay ilaa laga soo gaaro.

Todobaad kaddib, haweenay ayaa lagu weeraray saldhigga Southgate LRT waxaa weerartay haweenay cunsuriyad ah oo caaytamaysa iyadoo qofka la weeraray ay ahayd gabar madow ah oo xijaaban, waxaa markiiba naagtii xirey sarkaal ka mid ah Edmonton Transit. Maalintii xigteyna waxaa la weeraray nin madow ah oo ay weerareen 2 nin.

“Waxaan qof kasta oo insaan nabad jecel ah ugu baaqayaa inuu ka hortago cunfiga iyo dembiyada.” ayay tiri Caasha Faahiye, oo ah Guddoonka Hoyo Collective oo ka mid ah Soomaalida ka walaacsan amaankooda ku jira halista isa soo taraysa.

Hadalsame Media