Madaxwaynuhu xaq ma u leeyahay dib-u-dhigidda wax ka bedelidda Dastuurka dalka?

0

(Hadalsame) 25 Dis 2020Waxaa 27 bishan ku ekaa dhameystirka hwolaha dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo waqtigiisa uu dhacayo. Dastuurkan ayaa waxay ahayd in baarlamaanka imika jooga ay dhameystiraan ka hor inta aan afti dadweyne loo qaadin.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa shalay waxaa uu soo saaray xeer madaxwayne oo lagu dib dhigayo ansixinta wax ka badalidda dastuurka.

“Iyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136aad ee Dastuurka KMG, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna Baarlamaanka 11aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, ansixiyeenna Guddiga La Socodka BFS, iyadoo ay la socoto warbixin faah-faahsan, habraaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhameystiro looguna ansixiyo muddada Xilhaynta Baarlamaanka 11aad,” ayaa lagu yiri qoraalka k soo baxay xafiiska madaxwaynaha.

Xeerkan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa sida la sheegay dhaqan galaya 24-kii, waxaana la baabi’iyey Sharciga iyo xeer kasto oo ka soo

Cabdi Xaashi, gudoomiyaha Aqalka Sare
Cabdi Xaashi, gudoomiyaha Aqalka Sare

“Wuxuu jabiyay waajibaadka Dastuuriga ah”

Go’aanka madaxwaynaha marki uu soo baxay ayaa waxaa ka hadlay madax kala duwan oo iyagu dhaliilay tallaabada madaxwaynaha.

Gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdulahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxwaynaha uu ” jabiyay waajibaadka Dastuuriga ah”.

Mr Xaanshi ayaa farta ku fiiqay in talaabadda madaxwaynaha ay tahay mid halis galinaysa” Jiritaanka dastuurka”.

“Madaxwaynaha wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo halis galinaysa jiritaanka dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda fedaraalka Soomalaiya, isaga oo si ula kac ah u sameeyay xagdgudubyo, ” ayuu yiri Mr Xaanshi.

Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdulahi ayaa intaa ku daray in madaxwaynaha uu horistaagay xil gudashada baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya.

” Hor-istaagidda xil-gudashada baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya kaasi oo u xil-saaran dib u eegis, ansixinya iyo wax ka badalka dastuurka kumeelgaarka ah iyo qabashada afti dadwayne oo si kama dambeys ah loogu ansixiyo dastuurka kumelgaarka”, ayuu yiri Cbadi Xaanshi.

Gudoomiyaha ayaa xusay in madaxwaynaha uu baal-maray hab-raaca wax ka badalka dastuurka kumeelgaarka.

“Madaxwaynuhu wuxuu tallaabadaas ku baal-maray hab-raaca wax ka badalka dastuurka kumeelgaarka ee ku qeexan cutubka 15 ee dastuurka kumeelgaarka, ayuu intaa raaciyay.

“Waa dastuurkii oo la laalay” – Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhankiisa ku tilmaamay tallaabada madaxwaynaha uu dib ugu dhigay wax ka badalka dastuurka mid aan shaciga waafaqsaneyn.

” Digreetada wax qaanuun ah iyo dastuur ah oo awood madaxwayne ah oo ay cuskan tahay ma jiro,” ayuu yiri Mr Xasan sheikh.

Waxaa uu intaa ku daray in madaxwaynaha uusna xaq u lahayn tallaabada uu qaaday islamarkana ay arrintani leedahay hannaan loo maro.

“Madaxwayanha xaq uma laha sharci-na uma laha inuu meeshaa ka billaabo, geedi socodka dastuurka wax looga badalayo dastuurka ayaa qoraya, waana labada aqal oo kulma oo baarlamaanka uu qaaraar ka soo baxo, madaxwaynuhu inuu qaraarkaas aqbalo digreeto ka soo saaro, fafainta rasmiga ah la galiyo meeshaas ayay ku dhammaaneysaa,” ayuu yiri Mr Xasan sheekh.

Madaxwaynihi hore ee soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa digreetada madaxwaynaha ku tilmaamay, “dastuurkii oo la laalay”,.

Dalkani ma waxaa loo celinayaa in Digreeto lagu xukumo, dastuurkii oo la laalay soo la micno ma aha digreetada uu maanta madaxwaynaha soo saaray, ayuu intaa ku daray.

Madaxwaynaha ma sharciga ayuu baal-maray?

Dhinacyada ka soo horjeeda xeerka uu madaxwaynaha dib ugu dhigay ansixinta dastuurka kumelgaarka ayaa waxay ku doodayaan in uusan madaxwayanha xaq u lahayn tallaabada uu qaaday.

Abu-Kaate Zakariye oo ah sharci yaqaan ayaa waxaa uu dhankiisa qabaa in ay jiraan waxyaabo badan oo qaldan.

Abu Kaate Zakariye ayaa farta ku fiiqay in madaxwayanha uu xaq u leeyahay arrintan, balse ay ahayd in hab-raaca saxda ah la soo maro taasi oo u sheegay in aysan imika dhicin.

“Madaxwayanha waa madaxwaynaha jamhuuriyadda, wuxuuna soo saaraa xeer madaxwayne laakiin waa in uu hab-raac ku soo saaraa xeerka madaxwayne,” ayuu yiri abukaate Zakariye.

Waxaa uu intaa ku daray in xeerka uu madaxwaynaha soo saarayo aysan ahayn in isaga ay ka bilaabato, balse ay tahay in hab-raacyo dhanka sharciga la soo maro.

“Ma aha in ay isaga ka bilaabato, waxaa la rabaa in golayaasha ay soo marto oo golaha shacabka ay u soo gudbiyaan, golaha shacabka waxaan ula jeedaa wada-jirka golaha sharci dajinta golaha aqalka hoose iyo aqalka sare, iyaga oo dalbanaya in dib loogu dhigo doodaha dambe iyo baarlamaanka imaanaya markaas ka dib ayuu madaxwaynaha Digreeto ku soo saarayaa xeer madaxwayne laakiin inay ka bilaabato ma aha, ” ayuu yiri Abukatae Zakariye.

Mar aan Abukaate Zakariye waydiinay in tallaabada u madaxwaynaha qaaday ay sharci darra tahay iyo in kale ayuu ku jawaabay, “waad u jeedaa hab-raacii ayaa laga booday , madaxwaynaha wuu ka booday hab-raacii, waana arrimaha haddii sidaa oo kale la fududeeysto oo la sahlada-na waxay keeni doontaa in wax ka badan oo shuruuca uu jajabiyo madaxwayanha”.

Watiga dastuurka kumeelgaarka ayaa ku eg 27 bishan December oo ay maalin oo kali ah naga xigto, islamarkana waxay ahayd in ay wax ka badal ku smaeeyaan golayaasa sharci dajinta, balse taasi ma dhicin.

Waqtiga baarlamaanka 11-aad ee hadda jira ayaa ku eg maanta oo ay taariikhda ku began tahay 25 bisha December.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media