HESHIISKA BREXIT: Midowga Yurub & UK oo heshiis gaarey (Waxyaabaha ugu waawayn)

0

(London) 24 Dis 2020 – Midowga Yurub iyo UK ayaa heshiis ka gaarey sida ay u macaamilayaan kaddib marka ay kala baxaan 1-da bisha Jannaayo waxaana meelaha qaar laga gaarey xeer jajab sida kalluumaysiga, iyadoo uu RW Britain uu heshiiska ku tilmaamay ”mid taariikhi ah.”

Waxaa se la isku raacay in aan wax tariifad ah la saarin ganacsiga u kala socda labada dhinac oo ku kacaya £668bilyan oo gini, taasoo ka dhigan inaysan dhici doonin xayiraado dhanka ganacsiga ah.

Weli lama helin qoraalka rasmiiga ah ee heshiiska oo ka kooban 2,000 oo bog oo dabcan fasiraado badan u baahnaan doona, balse UK ayaa ka madax banaanaan doonta xeerarka iyo maxkamada Yurub, sidoo kale waloow ay UK joogi karaa 4 milyan oo EU ah oo UK tegey 4tii sanadood ee ugu dambeeyey misna waxaa meesha ka baxaya socodkii xorta ahaa.

Tusaale, waxaa dhici karta in qofka British-ka ah la siiyo dal ku gal 3-6 bilood ah, halka dadka EU dhibco lagu xulan doono oo aqoontooda iyo xirfaddooda la eegi doono.

UK oo haddii ay heshiis la’aan ku baxdo khasaari kari lahayd £40bilyan oo gini 2021 oo qur, isla markaana wayn lahayd in ka badan 3,00,000 oo shaqo ayaa haatan dunida iyo EU si xor ah ula ganacsan doonta.

Hadalsame Media