”Waa cillad aan lahayn cid wax ka qabata!” – Nin gabar saaka loogu diidey sabab la yaab leh

0

(Hadalsame) 25 Dis 2020 – Waxaa Somalia ka jira faquuq noocyo kala geddisan ah, balse dadku inta badan waxay diiradda saaraan midka salka ku haysa soowraca iyo sinjiga, midabka iwm.

Kuwa kale oo badan baase laga il-duufsan yahay, waxaana mid ka mid ah oo saaka dhacday goobjoog u ahaa oo nooga sheekaynaya Faarax Cabdi Warsame oo ku bilaabay:

”Nasiib darro waddankeennu malahan hay’ado u dooda xuquuqda qofka iyo ka hortagga tacadiyada. Aroornimadii hore ee saaka ayaanu u jarmaadnay qoys Soomaaliyeed oo aanu ku balansanayn inaanu gabar weydiisano sidii caadadu ahayd..

”Balse qoyskii waxay gabadhii noogu diideen xaalad aynaan annagu eedeeda lahayn oo ah xaga da’da (Age Discrimination), taas oo runtii naga yaabisay horeyna aanan ula kulmin sheeko walaa shaahid…

”Soo noqodkeennii ayaa waxaa noo yeeray hooyo daris la ah qoyska aan ku soo hungownay oo si dhow ula socotay arimaha qoyskan waxayna nagu biirisay in sidaan oo kale wiil Soomaaliyeed isla gabadhaan loogu diiday beesha uu ka soo jeedo darteed (Clan Discrimination), taasna wiilku eedeeda malahan…

”Labada qofba gabadha ayaa raalli ka ahayd inay guursadaan oo ula timid qoyskeeda, balse qoyskii ayaa ka horyimid labadii codsi oo ay gabadhoodu ku sharaftay… hadaba khataraha ay badanaa gabdhaheennu ragga kala kulmaan mararka qaar waxaa sabab u noqda waalidka oo ka hor yimaada rabitaanka gabadhahooda..” ayuu kusoo afjaray sheekadan.

Hadalsame Media