Guddi hoosaad baarlamaani ah oo haweenka Kuwayt loo sameeyey oo lagu MAADSANAYO (Sabab?)

0

(Kuwayt) 24 Dis 2020 – Dalka Kuwayt ayaa dunida ka yaabiyey kaddib markii ay magacaabeen guddi baarlamaani ah oo ay haweenku leeyihiin oo rag ka wada kooban, taasoo keentay in looga maadsado baraha bulshada.

Sida kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta dalkaasi oo xogta laga soo xigtey ayaa sheegay in guddigu uu ka kooban yahay Saleh Theyab al-Mutairi, Osama Ahmad al-Munawer iyo Osama Essa al-Shaheen.

Kuwayt ayaa keh nidaam baarlamaani ah oo yara furfuran lana soo doorto, waxaana ka jira Baarlaman 50 xubnood ah oo 4 sanaba mar lasoo doorto.

Yeelkeede, doorashadii baarlamaaniga ahayd ee sanadkan oo dhacday 5-tii bishan, ayna u istaageen 29 haween ah midna lagama dooran.

Halkan ka akhri fal-celinta dadwaynaha….

Hadalsame Media

Facebook Comments