XOG: Dal Muslim ah oo si ”qarsoodi ah” wada xaajood ugula jira Israel

0

(Islamabad) 23 Dis 2020 – Pakistan ayaa la sheegayaa inay si “qarsoodi ah wada hadal ula waddo” Israel, sida uu sheegayo webka Cibraaniga wax ku qora ee Nziv, kaasoo soo xiganaya ilo hoose oo Israeli ah.

Wuxuu qoray in duullimaad British Airways ah oo ka degey gegada Ben Gurion International Airport 20-kii bishii hore ee Nofeembar ay siddey Sayed Bukhari, oo la taliye u ah RW Pakistani ee Imran Khan.

“Bukhari wuxuu kasoo duulay Islamabad kaddibna London kaddibna Tel Aviv,” ayuu qoray wargaysku. “Waxaa loosoo dhoweeyey si diirran isagoo toos loogu gelbiyey xarunta WAD ee Quddus.” ayuu daba dhigay.

Bukhari oo maalmo halkaa joogey ayaa Israel u gudbiyey farriin uu ka sidey RW Khan waxaana ka mid ahayd inay bilaabaan wada hadallo diblomaasiyadeed iyo kuwo siyaasadeed, wuxuuna kulan khaas ah la yeeshay Agaasimaha Mossad, Yossi Cohen, oo uu isna u dhiibey dhambaal sir ah.

Wargaysku wuxuu qoray in “Islamabad ay doonayso inay xiisadda Hindiya kaga faa’iidaysato wada hadalkan, iyadoo uu isla webku qoray in Israel ay soo dhoweeysey hindisaha Pakistan.

Si kastaba, Pakistan ayaa marar badan ku celcelisey inaysan wax xiriir ah oo rasmi ah marna la yeelan doonin Israel, inta laga xallinayo arrinta Falastiin.

Dalalka Imaaraadka, Baxrayn, Marooko iyo Suudaan ayaa xiriir la yeeshay Israel, waxaana la filayaa inay ku xigsadaan dalal kale sida Cumaan, Sucuudiga iwm.

Hadalsame Media