Ilhaan Cumar oo markii ugu horreeysey khilaaftay gabdhaha ”The Squad” (Go’aankeeda oo Soomaalida saamayn kara)

0

(Washington, DC) 23 Dis 2020 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar (D-Minn.) ayaa markii ugu horreeysey khilaaftay gabdhaha ay ologga yihiin ee ”the squad” kaddib markii ay diiddey inay qaadato tallaalka coronavirus oo loo fasaxay xubnaha labada aqal ee Koongrayska.

Ilhaan ayaa tillaabadan ku tilmaantay mid “ceeb ah” oo ay madaxda siyaasaddu tallaalkii iyagu isa siinayaan “muhiimadooda” darteed.

Anand Giridharadas, oo wax ku qora The.Ink, ayaa bilowgii soo tweet gareeyey su’aal ku saabsanayd in “siyaasiyiintu tallaalka ugu hormarayaan da’dooda oo wayn iyo inay tahay sida ay muhim isula yihiin??”

“Way wanaagsanaan lahayd haddii ay da’ ahaan lahayd, balse waa muhiimadda waana ceeb,” ayay ugu soo jawaabtey Ilhaan oo jawaabta retweet garaysay.

“Kama muhiimsanin shaqaalaha safka hore, macallimiinta iwm., kuwaasoo naftooda huraya maalin kasta, waana sababta aanan u qaadan doonin. Dadka ugu baahi badani waa inay horta qaataan- Joogsi.” ayay raacisey.

Xildhibaanka Senet-ka ee Tulsi Gabbard (D-Hawaii) ayaa iyaduna sheegtay inaysan qaadan doonin tallaalka ilaa la siiyo qof kasta oo waayeel ah oo Maraykan ah.

Yeelkeede, gabdhaha ee lagu naanayso ”kooxda” ee isbeddel doonka ah sida Alexandria Ocasio-Cortez (D-N.Y.) iyo Ayanna Pressley (D-Mass.), ayaa tallaalka qaatay.

Tallaalka ay diiddey Ilhaan ayay saxaafadda Maraykanku qoraysaa inay keeni karto inay sidoo kale diideen Soomaalida Maraykanku, iyadoo ay hay’adda Kahortagga & Xakamaynta Cudurrada Maraykanka (CDC) ay horraanba dareemeen inay Soomaalidu ka caga jiidayso tallaalka.

Hadalsame Media